Xeer-ilaalinta Qaranka oo Raashiin dhacay ku celisay dalkii laga keenay

Xafiiska xeer ilaalinta Qaranka ayaa qaaday tallaabo culus oo ku aadan Raashin dhacay oo 7-bishii Maarso ee sanadkaan lagu qabtay dekadda magaalada Muqdisho, kaas oo la doonayay in loo suuq geeyo suuqyada dalka.

Hay’adda Taya-dhowrka Soomaaliyeed oo daba-gal ku sameysay raashinkan oo uu noociisu ahaa Bur ayaa ogaatay in uu yahay mid dhacay, kaas oo gaarayay 7 kunteenar, iyadoo la wadaagtay hay’adaha baarista dalka.

Xafiiska xeer ilaalinta Qaranka ayaa hay’adda taya-dhoorka kala wareegay Kiiskaan, isagoo tan iyo bishii 3-aad baaritaan ku hayay, iyagoo ugu dambeyn soo bandhigay inuu yahay burka mid dhacay, taas oo keentay in maanta oo Axad ah dalkii laga keenay dib loogu celiyo.

Xeer ilaaliye Mustaf oo dekedda Muqdisho kula hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in la go’aamiyay in Burkan lagu celiyo dalkii laga soo dhoofiyay oo ah waddanka Turkiga magdhawna laga qaaday shirkadii laheyd raashiinka dhacay.

“Baaritaan dheer oo caddeymo lagu lifaaqay oo maxkamadda iyo xafiiska xeer ilaalinta ugu jira ay wadaageen waxaa go’aan lagu soo saaray in lagu celiyo meeshii laga keenay, todobada kunteenar waa la raray annaga oo ku hubinay mid walba inuu yahay sidii lagu keenay laga soo bilaabo maalinkii la qabtay, illaa hadda waxaa ilaaliyay oo gacanta ku hayay ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee saldhigga dekedda”.

Xeer ilaaliyaha ayaa intaa ku daray in warbixin baariiseedkan ay la wadaagi doonaan dowladda Turkiga, si loola xisaabtamo shirkadda soo daabusha oo dalkaas laga leeyahay.

“Dukumintiyada iyo caddeymaha la helay iyo warbixin baariseedka la sameeyay waxaa qaab diblumaasiyadeed loo gaarsiin doonaa dowladda Turkiga, ayada oo loo marsiinayo wasaaradda arrimaha dibadda, oo lala wadaagaayo safaaradda Turkiga”.

Dhanka kale hay’adda Taya-dhowrka ayaa digniin culus u diray shirkadaha iyo ganacsatada soomaaliyeed, iyadoo sheegtay in tilaabo adag laga qaadi doono cid kasata oo rashiin dhacay dalka soo galiso.