Xafiiska xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa maxkamadda gobolka Banaadir hor geeyay eedeysane Cali Dhagadiish oo lagu eedeeyay in ilmo yar yar god ku riday kuna aasay, falalkaas oo uu ka duubay muuqaal ayaa ku baahiyay baraha Bulshada, waxaana taasi keentay in kiiskiisa cadaaladda la horgeeyo.