Naasir Maxamed Waliid wuxuu ku dhashay magaalada taraabulis ee caasimadda dalka liibiya sanadkii 1959-kii.
Wuxuu ku soo koray nolol aad u adag oo qalafsan daruufo iyo dac-darrooyin faro badanina ay ku gadaamanyihiin, qoyskiisana asagaa hormuud u ahaa oo markuu qaan-gaaray ayuu dhabarka u ritay inuu masuuliyadda iska saaro sidii uu waalidkiis u barbar istaagi lahaa maadama ay aad u tabaalaysnaayeen.
Hooyadiis waxay ka shaqayn jirtay howlaha guryaha sida nadaafadda lacag aad u yar ayayna ka soo heli jirtay, taasoo ay isku dayi jirtay inay nolosha qoyska qeyb ahaan ku maarayso.
Naasir wuxuu hadda iyo jeer dareemi jiray qalbi jab iyo walwal maadaama ay xaaladdau aad ugu xumayd, qoyskiisuna ay silac iyo dandarro ku noolaayeen, wuxuuna isku dayi jiray inuu shaqo walboo ka soo hor baxda qabto si uu quudka maalinlaha ah ee waalidkiisa iyo walaalihiis u helo.
Asagoo 13 jir illaa 14 jir ah ayuu go’aan buuxa ku gaaray inuu geed gaaban iyo mid dheerba u fuulo sidii uu nolosha qoyskiisa u maarayn lahaa, Hooyadiisna uga nasin lahaa howsha adag ee ay subax walba u kallahdo.
Haa Sidaas ayuu maagaanaa balse waqtigaa ciilay oo riyooyinkiisii oo dhami Hal bacaad lagu lisay ayay noqdeen, wuxuuna galay ciiri iyo caloolyow maxaa yeelay haba yaaraatee wax shaqo ah oo uu u gacan taago ayuu waayay,wuxuun u tacabiray dalka deriska ah ee lubnaan.
Sanadkii 1973 nasar da’diisu waxay ahayd 14 sanadood, xilligaa waxaa dalka lubnaan ka aloosnaa dhibaatooyin iyo nabad-galyo xumo.
Maalin maalmaha kamida naasir oo dalkaa ku sugnaa ayaa rasaas lagu furay , 4 kamida raasta ayaana dhabarka kaga dhacay ka dibna isbitaal ayaa loola cararay.
Hooyadiis ayaa maqashay inuu wiilkeedii dhaawac halis ah yahay oo uu nolol iyo geeri u dhexeeyo, isbitaalna jiifo murugo iyo muraara-dillaac ayaana soo food-saaray.
Hooyada maskiinta ah waxay uga tagtay isbitaalkii uu ku jiray oo inta badan way la joogi jirtay, markay ka maqantahay oo qif kale uga tagtona dhegta ayaa u taagnayd oo had iyo goor waxay u darbanayd inay hesho war ama wicaal la xariirta xaaladda wiilkeeda.
Maalin maalmaha kamida waxaa soo gaartay xog naxdin leh oo tilmaamaysa inuu geeriyooday, waxayna degdeg u aadday isbitaalkii uu ku jiray.
Intii ayay jidka kuu sii jirtay waxaa maankeeda ka guuxaysay oo maskaxdeeda laba rogaysay tiiraanyo daran, maxaa yeelay wiilkeeda aad ayay u jeclahayd, wuuna caawin jiray oo maaraynta nolosha qoyska ayuu Kala qeyb-qaadan jiray.
Markii ay gaartay isbitaalka waaxaa loo sheegay inuu wiilkeedii dhintay, baabuurtii meydkiisa qaadi lahaana la diyaariyay oo dhawaan la soo aasi doono, ayana ayadoo aad u murugaysan ayay isku diyaarisay sidii ay janaasadiisa u raaci lahayd.
Meydkii waxaa la saaray gaari aanbalaas ah wayna la dhaqaaday, baabuurtii kale ee la socatay way daba-galeen oo dhinicii xabaalaha ayay abbaareen.
Waddadu waxay ahayd mid xoogaa raf ah, dabayl xoog lihina waa ay socatay oo gaadiidku way ruxmayeen ama jagjagtoodaa badnayd.
Markii cabaar la sii socday waxaa dhacay wax la yaab leh oo dadkii aanbalaaska saarnaa irkag ku noqday tolow maxa ahaayeen?.
Gaariga oo meel jidku god ka yahay Sui dhaafaya ayaa xoog u ruxmay ka dibna waxaa la arkay nashaxkiioo dhaqdhaqaaya oo waliba nuux nuuxsi joogto ah samaynaya.
Naasir Hooyadii waxay la socatay gaariga aanbalaaska ah, waxayna ahayd qofkii koobaad oo dareemaya inuu naxashku dhqdhaqaaqayo, ka dibna waxay dadkii la socday ku tiri”ma indhahaygaa mase meydku wuu nuux nuuxsanayaa”.
Intaa kuma ekaane waxay ku qaylisay jooji gaariga, wuxuuna darawalkii hakad ku galay waddada dhinaceeda, ka dibna waxaa baaritaan loogu dhaqaaqay naxashkii.
Durbadiiba waxaa la ogaaday in ninka meyd ahaanta loo sidaahi uu noolyahay oo aanu Dhiman, waxaana degdeg loogu celiyay isbitaalkii.
Hooyadii iyo dadkii kale naxdintii iyo murugadii farxad baa u badashay inkastoo uu wiilku xaalad culus ku jiray, waxaana la xaqiiqsaday inuu xanuunka qalalku ku dhacay oo xubnihiisa dhaqdhaqaaq laga waayay ka dibna meyd la mooday balse uu nool yahay.
WD: Abwaan Hareeri