Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan dalka Shiinaha, ayaa maanta ka qayb galay tababar Aqoon is-weydaarsi ah oo uga bilaamay magaalada Beijing kaas oo socon doona muddo 6 cisho ah.
Tababarka waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Ganacsiga ee Jamhuuriyadda shacbiga Shiinaha iyo Xarunta Iskaashiga Caalimiga ah, ee guddiga horumarinta iyo dib-u-habaynta qaran Shiinaha.
Intaas kadib, Waxaa furitaanka tababarka hadallo kooban ka jeediyey masuuliyiin kala duwan oo ka socday labada Aqal ee Baarlamaanka JFS iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Xaquuqul Insaanka xukuumadda JFS.
Ugu dambeyntii, Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha ayaa guddoonsiisey hadyad ka turjumeysa dhaqanka Soomaaliya Agaasimaha Guud ee Xarunta Iskaashiga Caalamiga ah, Guddiga Qaranka Horumarinta iyo Dib-u-habaynta, Jamhuuriyadda Shiinaha Marwo Qui Ainun.