Xarunta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya oo si casri ah loo dhisayo

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali oo ay weheliso Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dahabo Suusoow ayaa waxa ay kormeer ku tageen xarunta Wasaaradda oo dhisme uu ka socdo.

Kormeerkaan aya ujeedkiisa ahaa sidii loo qiimeyn lahaa halka uu marayo dhismaha xarunta Wasaaradda oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud dhagaxdhigay 15kii May 2025.

Dhismaha xarunta Wasaaradda oo meel fiican marayo ayaa la qorsheynayaa in dhammaadka sanadkaan ay ku shaqeyso Wasaaradda.