Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa ka qaybgalay munaasababad lagu daahfurayay Xarunta Shaybaarka Biyaha ee Gobolka Banaadir oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Mudane Ciise Maxamuud Guure, ayaa tilmaamay in xaruntani ay door muhiim ah ka qaadan doonto horumarinta adeegyada bulshada, gaar ahaan la socodka iyo xakamaynta khataraha ka dhasha biyaha aan nadiifka ahayn.
Sidoo kale, xaruntan Shaybaarka Biyaha ayaa la filayaa in ay xoojiso awoodda farsamo ee gobolka, iyadoo suurtagelin doonta in si joogto ah loo sameeyo kormeerro iyo daraaseyn cilmiyeed oo lagu hubinayo badqabka biyaha, isla markaana lagu taageero go’aan-qaadashada ku saleysan xog sax ah.
Ugu dambeyn, daahfurka xaruntan ayaa astaan u ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo kaabayaasha adeegyada aasaasiga ah iyo ilaalinta deegaanka ee Gobolka Banaadir.






