Gabi ahan Soomaaliya waxa ku soo badanayo dadka maskaxiyan u xanuunsan, Xanuunkaas oo si fudud ku bilowda ka dibna u gudba in uu qofku galo xaalad dhimir xanuun ah iyo waalasho!
Xanuunka maskaxda ku dhaca waxay u kala baxan mid fudud sida xanuunka nafisiga iyo depression ka iwm ah iyo xanuun ka culus oo shaqadi maskaxda dhib badan u geysanayo.
Xanuunka dhimirka ku dhaca wuxu ku bilowda si fudud tusale: hurdo la’aan, fekeer waqti dheer qata ama soo noq noqda, dhibato kugu dhacday oo aad xalin weyday ka dibna qof kula xaliya aad weyday, social mediayaha raad reeb ka so raca, caabuq ku dhaca maskaxda, cunto xumo, lacag la’aan, dhibato qoyska ka jirta iyo iwm.
Badana dadku waxay yaqanaan xanuunnada ku dhaca jirka intisa kale oo ey u tagaan dhakhtar dabiiba laakiin xanuunada maskaxda ku dhaca badana bulshadu qeybtood ma fahansana waxana loo bahan yahay in laga wacyi galiyo intii la awoodo, Marar badan waxad arkeysa qof magalkisa ku jira oo xanuunsan isla markaasna aan iska warqabin ila xanuunka u heer sare la gaaro markasna eey adag tahay in la daweeyo.
Bulshada isticmasha social mediyaha qeybtood ma fahansana in qof jacayl isku dilay ama arrimo kale hadey arkaan waxay bilabayaan iney ku madeystaan kana raadiyan comments iyo waxyalo aan cawineyn in xanuunkas laga hortago ama keni karta bukanka xanuunsan in xanuunki kusi fogaado!
Ma ficna in lagu madeysto bukanka qaba xanuunada maskaxda ku dhaca ee kuso badanayo wadankeena iyo adduunka odhan.
Berri ayay adey ku qabsan karta ka dibna qaabka dadka ula dhaqmi jirtay ba lagula dhaqmi, ila uu xanuunkada kasii daro waa haddaadan maanta ka hortagin ama caawin xanuunnada maskaxda ku dhaca.
Takhaatiir bartay maadada Psychology iyo Psychiatric waxa fiican iney cawimaad la garaan bulshada ku dhibateysan meelaha qeylada ka soo yeereyso oo eysan isku koobin magalooyinka waa weyn.
Waxa kaloo wacan in wacyi galin loo sameeyo bulshada noocyadeeda kala duwan.
Social media/ baraha bulshada waxanu u isticmaali karna dhinaca fiican oo ah inaan cawimaad siino keena xanuunsan iyo inaanan dhibaato u geysan keena cafimadka qaba.
Waxa kaloo Social media/ baraha bulshada u isticmaali karnaa inaan ka wacyi galino bulshada sidey u fahmaan waxyaalaha keena xanuunnada dhimirka, sida looga hortago iyo sida loo daweeyoba.
Farriin/Digniin: Fadlan dhibaato ha u geeysan qofna inta aad isticmaaleyso baraha bulshada/ Social media. Marar badan waxa dhacda dhacdooyin majajilo ah oo ka qoslin kara isla markasna qof kale dhibaato u geysan kara.
Ka fogoow wixi walaalka ama qof kale dhib u keeni kara, Fadlan Qof aadan aqoon/ qof aad taqanno fariin/comment dhib u keeni kara ha u reebin ama ha u qorin.
Qaabkee uga hortagi karta xanuunnada maskaxda ku dhaca: waxa ka firin karta Google-ka ama Articles-ka laga qoray moowduucaan.
WQ: Cabdisalaan Maxamed