Xanuunnada ay Dhaxal siiyeen ayaa sabab u noqday in ay geerri ka door bidaan in mar kale Khawaarij duleysato (Warbixin)

Gumaysiga dadka shacabka ah ay ku hayeen khawaarijta inta aan laga saarin degaanka Aadan yabaal ma ahan waxa hal sheeko lagu soo koobi karo, “Wiilkaaga iyo qorigiisa nagu wareeji, si uu noogu dagaalamo kadib adigu bixi biilkiisa” Waa mid kamid ah ficilladii gurracnaa ee khawaarijta Al-shabaab ka geysteen degmadda Aadan yabaal.

Warbaahinta qaranka oo u kuur gashay xaalada dadka shacabka ee ku dhaqan degmadda Aadan Yabaal oo mudda dheer khawaariijtu ay dhibaato ku haysay ayaa la kulantay odayaasha degaanka, kuwaas oo uga warbixiyay ficillada gurracan ee khawaarijtu ku haysaeen dadka shacabka ah.

Yabaroow Cabdi Xasan oo kamid ah dadka degaanka ayaa sheegay in dhibaato xooggan khawarijtu ay ku heysay dadka Shacabka ah, isagoo sheegay in ay khawarijtu ku amartay in wiilkiisa uu keeno soona raaciyo qorigii uu ku dagaalami lahaa kadibna uu bixiyo biilkiisa taa oo kamid ah falalka guracan oo khawaarijtu ku heysay shacabka ku dhaqan degmada Aadan Yabaal

Way adag tahay in aad diido Amar nucaan oo kala ah ama ogolaatid waayo naftaadda ayaad uga baqeysaa madamaa deegaanka ay gacanta ku hayeen khawaarijta, waxa sidoo kale odayaasha degaanka shegeen in Amarkaani uu ahaa kii ugu cuslaa oo khawaarijta ay ku soo rogaan degaan Aadan Yabaal oo mudda dheer argagixisadu ay gacanta ku haysay.

“Leer caafimaad ayaa na martay markii kooxda khawaarijta laga xorreeyay degaankan oo dhib badan ay ku hayeen waana ka mahadcelineynaa ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ee khawarijta naga dul qaaday “ ayuu yiri Yabaroow oo kamid ah dadka degaanka Aadan Yabaal

Sidoo kale dhibatooyin kale ayay dadka deagaannada Shabeellaha Dhexe ku qabeen khawaarijta ka hor inta aan laga xorreeyn degaannadaasi, balsa hadda waxa ay ku nool yihiin mid taa ka duwan oo waxaa u bidhaamay waa cusub iyo horumar.

Suladaan Daahir Axmed “Aadan Yabaal dhib xooggan ayay khawaarijtu ku heysay lacago baad ah iyo carrurteena oo si xoog ah nooga kaxaysan jireen ayan ku qabnay cidii ka hortimaadana way dili jireen, waxan diyaar u nahnay in aan la shaqeyno ciidmada dowladda iyo kuwa degaanka ee noo yimid”ayuu yiri Suldaan Daahir.

Dowladda Soomaliya ayaa dhankeeda sheegatay in degaannada laga saaray khawaarijta ay gaarsiin doonto adeegyadii bulshadda, halkaa oo deegaannada qaar ay garsiisay kuwa dhimana la gaarsiin doono

khawaariijta ayaa hadda maraya marxaladii ugu adkeed kadib markii geesiyaasha xoogga dalka iyo shacbka oo is garabsanayo ay degaanno badan sida Shabeellaha Dhexe, Hiiraan iyo Shabeellaha hoose ay ka xorreyeen khawaarijta, halka hadda ciidmadu u talaabeen gobollada Galgaduud iyo Mudug oo ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah khwaarijtu.