Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza

Xukuumadda Israa’iil ayaa ansixisay qorshaha wajiga koowaad ee xabad joojinta Gaza,kaas oo dhigaya in qeybo kamid ah gaza ay Israel ka baxdo,si la isu weydaarsado maxaabiis laba dhinac ah.

Dhinaca kale, Khalil al-Hayya, oo ah madaxa kooxda wada xaajoodka Xamaas ayaa sheegay in kooxdu ay dammaanad ka heshay Maraykanka iyo dhexdhexaadiyeyaasha kale ee ku jira arrimaha dagaalka Gaza,inkasta oo aysan weli caddeyn qorshe nabadeed oo ah mid waara.

Heshiiska ku saabsan xabad joojinta dagaalka gaza  ayaa waddada u xaaraya in dagaalka Qaza uu ku joogsado 24 saacadood ee soo socda, halka Xamaas la siiyay 72 saacadood, si ay u sii daayaan maxaabiista Israel.

Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa uu dilay ugu yaraan 67,194 qof, waxana ku dhaawacmay 169,890, tan iyo Oktoobar 2023,halka kumanaan kale la rumaysan yahay in ay ku hoos aasan yihiin burburka dhismayaal badan oo burburay.