Guurku waa hanaan soo jireen ah oo abuurta aadmiga ku sidkan, wuxuuna udub-dhaxaad u yahay taranka bulshada iyo kala tafiirmiddooda.
Barbaar walboo shinkiisa gaadhay iyo bilcaan kastoo gashaanti noqataahina waxay u tafa-xaytaan xodxodo iyo haasaawe ay gayaankooda ku raadsanayaan.
Mid waliba wuxuu ku dedaalaa sidii uu midka kale dareenkiisa u soo jiidan lahaa, siduu doonayona uu uga dhaadhicin lahaa oo uu jeceyl laf iyo ludba ku baaha ugu beeri lahaa.
Isbarashada kolkii laga gudbo ayuu wiilku gabadha ammaan iyo kool beer-laxawsi ah ku bantooqaa oo gabay iyo geeraarba ku jalbeebiyaa si uu maankeeda u gadiyo oo uu qalbigeeda kalgacal ugu maasheeyay.
astaan kastoo wanaagsanna ayuu ku tilmaamaa asagooo iin iyo ceeb kastoo ay leedahay iska indha tiray sidii inaan dhaliilba eebbe u yeelin oo ay ceeb ka saliim-tahay.
Sagalka,jeegaanta,doogga, dayaxa,oogga,neecowda,iwm ayuu ku jimeeyaa oo quruxdeeda barbar dhigaa, kuna ammaanaa asagoo gabayo dhaabad iyo dhex-taal leh si farxashamaysan ugu falkinayo.
Run iyo beenba intuu isugu daro ayuu baraare aduun iyo bayddi nololeedba u ballan qaadaa, inuu asagu barbaarta gayiga ugu hodansanyahay oo uu asagaagiis wax dheeryahayna ugu faanaa.
Intuu maahmaahdii ahayd”been baa lagu soo xero galshaa runna waa lagu dhaqaa” dulucleeda xusuusto ayuu asagoo caydh/cayr fara madow ah sheegtaa xoolo iyo xirfado aanu lahayn, wiil hoog balaayo ka dhacdayna isku tilmaamaa.
Nin gabadh u faanay baa laga hayaa “konton baa geelanaga ka dhalay kor u hayaankiiye
Nirgihiisa lama koobi karo kayn hadduu galo e
Koramada dhex qaadaahina waa kun iyo dheeraade
Aan karuurka wada doonannee kabaha soo qaado”
Mid kaloo goob ciyaareed ka baanay, inan rag badani ay guurkeeda ku talamayeenna ku hal-qabsaday ayaa asna ku heesay”wabay ninkii deyr rin geel dareersadayay
dahabo dan u raaci doontaa”.
Sida laba meeris ee heesta ka muuqata wuxuu ku faanayaa inuu asagu ragga ugu mudanyahay, gabadhuna aanay sinaba u diidi karin maadaama ay haleelo iyo horweynba xeryaha uga buuxaan, uu aynigiisa ugu ladanyahay.
Haddaba hanti ka sukow maxay gabdhihii hore ragga ku dooran jireen?, ragga laftooduna maxay hablaha ku kala xulan jireen?.
Lasoco qeybta labaad ee qormada.