XAGGANA WAA SHIR INTANA WAA SHIR SANADKAAN SHIRARKU BADANAA

War hooy Soomaaliyeey haddeey talo nala gudboon tahaye dadka yaan la hodin dalkana bohollo laga tuurin, waa iga talo iyo tusaale odaynimo, anigoo ka mid ah waxgaradka iyo aqoonyannada soomaaliyeed waxay ila tahay in shirarka masiiriga aan ahayn looga taliyo wax dadka iyo dalka wax u tari kara, iyadoo laga fogaanayo wax walba oo horumarka socda dib u dhigi kara.

Waxay ila tahay haddii ay daacadnimo iyo waddan jaceyl uu jiro intaasba leyslama gaareen, balse midba midbey dani u tahaye haddii aad sidaas garateen waxaad ogaataan in shacabka soomaaliyeed ay idinkugu fadhiyaan gambar gaaban, waxayna isha ku hayaan waxa aad ged gedineysaan, waxayna rajo ka qabaan ugu dambeynta in aad ka soo saartaan wax shacabka raalli gelin kara kuna farxaan.

Balse haddii wax ka baddelan intaas aad mar walba ka soo saartaan waxay ila tahay in ay noqon doonto intii sheegtay ma dhaafto, oo aan wax ka soo qaad lahayn, waayo inagu waxaan sugeynaa mar walba wax wanaagsan oo aan dhulka ka qaadno, taa cagsigeeda haddii ay soo baxaan halkii lagu sheegay ma dhaafto ayaa la yiraahdaa.

Ogaada Madaxda iyo mas’uuliyiinta soomaaliyeed ee isu tegaya, waxaa leydinka sugayaa in aad muujisaan xilkasnimo weliba dheeri ah, waayo aqoon idinkuma yara, waxbadanna adduunka waad kala socotaan, wax badanna waad soo joogteen, mana ihidiin kuwo moog dalka wuxuu soo maray.

Sida aad ogtihiinba maanta waxaa indhaha idinku haya waxa loo yaqaanno international community ama beesha caalamka, shacabka soomaaliyeedna sidoo kale, keenyana waxay dooneysaa fursad ay baddeenna ku qaadato dhulkeenna qeyb kale ku darsato oo waxay idinkugu jirtaa kursiga hoostiisa, dalkan yaan loo jebin cadowgiisa oo sifiican soomali oo dhan uga dheregsan tahay cidda ay yihiin.

Waxaan idin dhihi lahaa dalka waxaa ka talin kara hadda ka dib kii shacabkiisa kasbada, waayo shacabka soomaaliyeed waa wada maskax iyo indho soo taag taagan, marka siyaasiga dalka rajo ka lehoow maanta ku dadaal inaad fikirkaada saliimka ah ku dhisto dalka dadkana wax ugu qabato.

Tusaale, doorada ama digaaggu xaabka way isla cuntaa laakinse waxay isdheer yihiin af tirtirashada, Maahan kursi baan doonayaa oo keliya, walaal nin xilqaaday sidiisaba eed qaad.

Teeda kale, madaxdeenna siyaasiyiinta ah ma wanaagsana bataatanba in madax aan waqtigooda dhameysan loo dhigto isbaaro, taasi wax quman maahan, waayo nin waliba wuxuu jecel yahay in sida wanaagsan loola dhaqmo, waqtiga hadduu dhamaadana qofku isagaba ma mooga in tartan dambe hor yaallo.

Mar waliba Guuleysta oo garabkiina Allaha galo, haddaad wax wanaagsan nala rabtaan, haddiise taa mid ka duwan aad waddaan waxba yuusan waqtigu idinkaaga lumin halkaan.

Rag haddeey meel ku kulmaan si ay uga tashadaan xaalka markaas yaal, waxaa laga fishaa laba mid un, in waxgaradku ku taliyo inay hoos u fiiriyaan dalka iyo dadka go’aannadooduna ku saleeyaan baahida shacabkooda, tan kalena waa in aan waxba loo aabbo yeelin oo nin waliba tiisa u gaarka ah ka fiirsho ka dibna laysku raaco qarbut iyo wax aan ummadda soomaaliyeed u cuntamin, waana hoog iyo halaag biloowgiisa, dabka ka dhashana cidna ka badbaadeynin dhibkaasna wuxuu taabanayaa miyi iyo magaalaba si gaarana reer Muqdisho taasina waa wax horay loo soo arkay taasina Inshaa Allaah mar labaad kuma guuleysaneysaan.

Haddaba, siyaasiyiinta kulanka weyn mar walba sameystoow dalku waa nabad nabad nabad ee hanooga darina oo kubadda hoos u dhiga.

Haddaad kheyr waddaan walaal jira haddaad qiyaano waddaanna idin lama qabno waa sidaa xaajada iyo ujeeddada maqaalkeyga gaaban ee baaqa ah.

Nin walboo siyaasi soomaaliyeed ah, kii wax wanaagsan soo qabtay baal dahab ah ayuu shacabka ugu jiraa, haddii kalena waxaan leenahay harayoow na soo gaar, beesha soomaaliyeed way dhaqaaqdaye, ma joogto halkii aad shalay ku ogeyd.

Muqdisho waxaan u rajeynayaa inaysan noqon halkii dalka laga dumin lahaa belo iyo baasna lagu abuuri lahaa.

Muqdishooy darajo iyo qurux kuuma dhinnee noqo tii dalka u hoggaamisa dhanka wanaagsan, waayo maanta waxaa qormeysa taariikh taasoo noqon karta mid madoow ama mid dahabi ah, taa doorashadeedana adaa leh.

Galmudug waan ogeyn howshii ummadda soomaaliyeed ay uqabatay waan ogeyn wixii wanaagsanaa ee ka soo baxay, waan ogeyn sidii qiimaha badneyd ee laydinkugu soo dhaweeyay meel cidla ah ayaa uga tagteen.

Muqdishaay Ka tusaalo qaado Galmudug oo hanoqonin meeshii dabka iyo holaca looga shiday soomaaliya.

Intaasoo talo,tusaale iyo waano ah iyo waxa aan ka hadlayo Ilaahey haydin garad siiyo dalka sidaan horeyba idiin iri maanta uma baahna cudur dambe, siyaasiyiinta guusha gacantiina ku jirta ku go’aamiya wax dalka iyo dadka aan dhibaato u keeneynin horayna loogu soconayo.

WQ: Osman Dhiblaawe.