Xafiisyada Hantidhowrka Soomaaliya iyo Sweden oo kala saxiixday heshiis is kaashi

Hantidhowraha Guud ee JFS Mudane, Axmed Ciise Guutaale ayaa saxiixay Is-afgarad laba-geesood ah oo u dhexeeya Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Xafiiska Hantidhowrka Qaranka ee Sweden oo kamid ah bahwadaagta XHGS.

Heshiiska oo soconaya muddo 5 sano ah ayaa ujeedkiisu yahay wada shaqaynta labada Xafiis iyo taageerada isdhaafsiga waaya-aragnimada, xirfadda gaarka ah ee horumarinta iyo tayeynta Baarista Waxqabadka (𝐏𝐞𝐫𝐟𝐨𝐫𝐦𝐚𝐧𝐜𝐞 𝐀𝐮𝐝𝐢𝐭) oo kamid ah baarista uu dhigayo Sharciga Hantidhowrka JFS.

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo fulinaya Sharci Lr. 14, 2023 ayaa asaasay waaxda baarista waxqabadka, isaga oo bangiga adduunka iyo bahwadaagtiisa kale uga mahadcelinaya kaalinta ay ka geysteen hirgelinta waaxda baarista waxqabadka.