Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo bilaabay wejigii labaad ee ka jawaabidda Abaarta

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa guddoomiyay shir muhiimaddiisu sarreyso oo lagaga arrinsanayay ka jawaabidda abaaraha dalka ka taagan.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qeybgalay wasaaradaha udub dhexaadka u ah nolosha dadweynaha, sida Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka,Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka iyo Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.

Waxaa kulanka lagu soo bandhigay xog uruurintii u dambeysay ee ku aaddanayd saamaynta abaaraha, heerka biyo la’aanta, webiyada gurey, ceelasha qallalay, dadka barokacay, iyo xoolaha ay abaarta saameysay.

Waxaa la’isla meel dhigay habka ugu wanaagsan ee abaarta looga jawaabi karo, iyada oo lagu tashanayo waxa hadda la hayo, iyo waxa la qaban karo, si loo kaashado bulshada Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka.

Shirkan ayaa horudhac u ah shir heer wasiir ah oo dhowaanta la qabanayo, iyada oo dedaalada dowladda la isugu geynayo ka jawaabidda abaarta iyo maaraynta dhibaatada ka dhalatay.