Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS, oo gudanaya waajibaadkiisa ku xusan sharciyada Maareynta Maaliyadda Guud iyo Hantidhowrka Guud, ayaa maanta oo ah 30ka June 2026, u gudbiyey Labada Gole ee BJFS, Madaxweynaha JFS iyo Ra’iisul Wasaaraha XFS warbixinnada baarista ee Sannad-Maaliyadeedka Dhammaaday 31ka December 2025, taas oo ka kooban.
Warbixinta Baarista Hantidhowrka Guud ee Warbixin Maaliyadeedka Dowladda Federaalka
Warbixinta Sannadlaha ah ee Baarista U-Hoggaansanaanta Sharciga
Gudbinta warbixinnadan waxa ay qayb ka yihiin doorka Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ee ku aaddan xoojinta hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo maamulka maaliyadda guud.

