Guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda, Marwo Seynab Maxamuud Warsame Xaabsey, iyo Maareeye ku-xigeenka Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiraxmaan Siciid Axmed, ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray xafiiska cusub oo qaabilsan bixinta adeegga kaarka aqoonsiga qaranka.
Munaasabaddii xarig-jark xafladdaasi waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka kala socday qeybaha maamulka Warta-nabadda, ururada bulshada iyo marti sharaf kale.
Xafiiska cusub ee Nira ,waxa uu bulshada u fududeyn doonaa helitaanka Kaarka Aqoonsiga Qaranka.