Xadka Gaza iyo Masar oo la furay iyo Bolivia oo xiriirka u jartay Israa’iil

Xadka Rafah ee u dhaxeeya Gaza iyo Masar ayaa la furay markii ugu horeysay tan iyo markii uu qarxay dagaalka Israel iyo Xamaas.

Wararka ayaa sheegaya in ilaa 500 oo ajaanib ah iyo tiro dhaawac ah oo Falastiiniyiin ah oo u baahan daweyn loo ogolaan doono inay maanta ka baxaan dhulka go’doonsan,una ambabaxaan Masar .

Dhinaca kale, Dowladda Bolivia ayaa xiriirka rasmiga ah u jartay Israa’iil ,iyadoo laba dal oo kale oo Latin America ah ay u yeereen safiiradooda ka jooga Tel Aviv si ay wadatashi ula yeeshaan.

Bolivia “Waxay go’aansatay in ay jebiso xiriirka diblumaasiyadeed ee ay la leedahay dawladda Israa’iil,waxaanna cambaareynay weerarka gardarrada ee ka socda Marinka Gaza,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda dalkaasi Freddy Mamani.

Wasiirka madaxtooyada Maria Nela Prada ayaa sidoo kale ku dhawaaqday in wadanku gargaar bini’aadanimo uu u diri doono Gaza ,iyadoo dalbatay in la joojiyo weerarrada Gaza oo illaa hadda sababay dhimashada 8525 falastiiniyiin ah.

Wadamada deriska ah ee Colombia iyo Chile ayaa sidoo kale dib ugu yeeray safiiradooda si ay wadatashi uga yeeshaan weerarada Israa’iil ee ka socda Gaxa ,waxayna ku baaqeen xabad joojin.