XAD-GUDUBKA ITOOBIYA WAA MID SOO SOCDAY MUDDO AAD U DHEER

Weerarrada qaawan ee gardarrada ah ee itoobiya ma ahan mid soo bilowday  shalay iyo maanta ee waxay ahayd mi ay caado u leedahay.

Qolada la yiraahdo abasiiniya war magalo mana laha  maskax fiican oo wax lagu xeeriyo, mana yaqaannaan derisnimada iyo walaalnimada, qoladani waxay leedahay maskax fahmi karta xabadda oo keliya sidaas awaded waxay ku fiican tahay in layska celiyo ee halla ogaado waddanka difaaciisa.

Itoobiya dhowr jeer ayay isku dayday in ay soomaaliya qabsato, iyadoo horay u heysatay dhul soomaaliyeed oo ay ku nool yihiin dad aad ubadan oo soomaaliyeed, laakiin waxay soomaalidu ku mahmaahdaa xaaraan raagtay xalaalbaa la modaa.

Waxuushtan mudda dheer ayey gumeysanaayeen dad soomaaliyeed oo muslin ah iyo dhulkooda taasina adduunka ayaa marqaati ah waxayna ku qasbayaan in ay noqdaan dad itoobiyaan ah laakiin taasi way ka biyo diideen geesiyaasha soomaali galbeed, waxayna si cad ugu sheegeen inay yihiin soomaali ahaanna doonaan.

haddaba maanta dadku soomaalidu waa ay soo jeedaan wayna difaacayaan dalkooda iyo dadkooda.

Waa arrin aan marna la qaadan Karin loona dulqaadan Karin weerarkan qaawan oo ay ku soo qaaday xuduudda dhulka biyaha iyo hawada soomaaliya mana ahan mid mana ahan mid loo dulqaadanayo ummadda soomaaliyeed way israacsan yihiin wayna ku midoobeen dulmigan.

Waxaa loo diyaariyay ciidammada difaaca qaranka iyo dowladaha walaalaha ah ee soomaaliya iyo adduunka oo dhan ka wada arka dulmiga gurracan

Soomaaliya wuu ka dhammaaday dulqaadka waxayna diyaar u tahay in dagaal la gasho oromada dhulballaarsiga wado

Soomaalidu waxay wadaagaan isirka, diinta iyo dalka mana jiro maamul  gobolleed heshiis kala geli kara dowlado sida itoobiya oo kale ah.

Itoobiya waxaan u tirineynaa wax yaallo hore oo ay ugeysteen soomaalida gaar ahaan deegaannada dhulka ay xukumaan iyo dadka deggan, waxaana jira boogo hore aan weli reysan oo dhex tiil, dowladahaas waxaa ka mid ah dowladda keynya iyo midda itoobiya.

Waxaa kaloo jiray xudduudo la aqoonsan yahay – 1864kii waqtigii la qaybiyey afrika oo ay aqoonsan yihiin adduunka oo dhan sidaas awadeed waa xad-gudub iyo qalad cad ah soo gelista itoobiya xudduudaha soomaliya leedahay mana jirto cid u oggolaan karta qayb ka mid ah badda iyo dhulka soomaaliya, waxaana arrinkan si mug leh uga soo hor jeeda dhamaan shanta soomaaliyeed iyo dowladahooda iyo dhammaan dunida muslimka ah gaar ahaan dowladaha carabta iyo qarammada midoobay iyo inta xaqa aaminsan ee caalamka nool ee damiirka leh

Haddaba, waxaad ogaataan soomaliyeey tani in ay itoobiya ka tahay ku day haddeey mareyso haddey oggolaadaana ku soco oo qabso.

Itoobiya waa yahuudda madow ee qaaradda afrika waxaana bannaan inaan jihaad kala hortagnaa, waxaana la yiri baroortu orgiga ka weyn ee sidaas ula socda soomaalyeey fadhigana ka kaca intuusan waagu nagu baryin.

WQ: Abwaan C/salaam Axmed Gabayre