Weerarrada qaawan ee gardarrada ah ee itoobiya ma ahan mid soo bilowday shalay iyo maanta ee waa wax ay caado u lahayd.
Dowlad ku sheegga abaysiiniya ee haatan loo yaqaanno itoobiya waa dowlad isticmaari ah oo aqli wargalo iyo maskax fiican mana yaqaanaan walaalnimo iyo derisnimo
Dowladdani waxay leedahay maskax qalloocan iyo maan gurracan oo xabbadda keliya wax ku fahma sidaas awadeed, Itoobiya waxay ku fiican tahay oo keliya in layska celiyo ee hala ogaado.
Dhowr jeer ayay isku dayday in ay soomaaliya qabsato laakiin way isuurto geli waysay mar walbana waxay eegataa marka ay soomaaliya kala daadsan tahay
Itoobiya sida aan ka warqabno waxay xoog iyo gardarro ku heysataa hadda dhul soomaliyeed dadka aad u badan oo soomaali ah laakiin waxay soomaalidu ku maahmaahdaa (Xaaraan raagtay Xalaalbaa la modaa) mudda dheer ayey gumeysaneysay shacab muslin ah oo soomaali ah iyo dhulkoodii waxayna si xooga ah uga dhigeen itoobiyaan waxaana marqaati ka ah adduunka oo dhan
Haddaba, maanta umaadda soomaalidu waa ay soo jeddaa waana ay difaaci kartaa dalkeeda iyo dadkeeda waana arrin aan loo dulqaadan Karin weerarka qaawan oo ay ku soo qaadday xuduudaha dhulka, biyaha iyo hawada soomaaliya ma ahan mid ay u dulqaadanayaan qowmiyadda soomaaliyeed.
Maba oga itoobiya in waddanku leeyahay dowlad, baarlamaan iyo ciidamo loogu talo galay difaaca qarannimada adduunkuna uu aqoonsan yahay
Haddaba, looma dulqaadan karo in boob iyo siyaasad midna lagu qaato qayb ka mid ah waddankeenna dadka soomaalidu waxay wadaagaan isirka diinta iyo dalka haddaba ma jiro maamul heshiis kula geli kara dowlado kale oo aysan ogeyn baarlamaanka soomaliya iyo dowladda dhexe
Dowladda gumeysiga ah ee itoobiya waxaan u tirineynaa wax yaallo hore oo ay u geysteen soomaalida ay sida xoogga ah ku heystaan ee deggan dhulka ay xukumaan
Sidoo kale, waxaa jira bogo hore aan weli reysan oo dhex taal waxaana ka mid ah dowladaha safka hore ee keynya iyo itoobiya waxaa kale oo jiray xuduudo la aqoonsan yahay – 1864kii waqtigii la qaybiyey afrika oo ay aqoonsan yihiin adduunka oo dhan sidaas awadeed waa xad-gudub iyo qalad cad oo ay u bareertay dowladda itoobiya soo gelista xuduuddaha ay leedahay soomaliya
Ma jirto cid u ogolaan karta qayb ka mid ah dalka soomaaliya waxaana ka soo jeeda dhamaan shacabka soomaaliyeed iyo dowladdooda u mana dulqaadan karaan damaca foosha xun ee itoobiya.
Haddaba, waxaad ogaataan soomaliyey tani in ay tahay ku day oo haddii ay ku guuleysato waxay qabsan doontaa yahuuddan madoow dhammaan geeska afrika iyo badda cas oo dhan waxayna u egtahay arrimahan socda (Baroortu Orgiga ka weyn) ee sidaas ula socda soomaalyey dhammaantiin meel kasta oo aad dunida ka joogtaanba
WQ: Cabdisalaam Axmed Gabayre