Xabsiga dhexe ee caasimada Galmudug oo lagu dhisayo iskaashi bulsho oo la dhagax dhigay.

Samareeb- Guddoomiyaha magaalada Samareeb ahna duqa caasimada Cabdiraxmaan Cali Maxamed Geedaqoroow oo ay wehliyaan Saraakiisha Booliska Samareeb iyo wakiilo ka socda ganacsatada Galmudug, ayaa maanta si wadajir ah u dhagax dhigay dhismaha xabsiga dhexe ee caasimada Samareeb ee dowlad goboleedka Galmudug.

xabsiga dhexe ee magaalada Samareeb ee Galmudug, ayaa lagu dhisaya isku tashi bulsho iyo taageero ay ku yabooheen qaar kamid ah ganacsatada Galmudug oo dareemay baahida loo qabo in dib loo dhiso xabsiga dhexe oo mudo burbursana.

Wasiirkii hore arrimaha gudaha XfS, Cabdisamad Macalin Maxamuud, oo ku hadlay afka xubnaha qeybta ka ah mashruuca dib loogu dhisayo xabsiga dhexe ee magaalada Samareeb, ayaa tilmaamay muhiimada ay leedahay shaqada ay u is taageen, waxaana uu sheegay inay tahay mas’uuliyad ay gudanayaan.