Xaaladda Khawaarijtu waa sidee?(WARBIXIN)

Muddadii uu uu bilowday Dagaalka Khawaarijta oo ay iska wada kaashanayeen Ciidanka Qalabka Sida iyo Xoogagga Deegaanka ayaa waxaa lala wareegay  in ku dhow 50 Goobood oo isugu Jira Degmooyin iyo Tuulooyin waxaana ka mid ah:- Deegaannadaasi:- Moqokori , Tardo, Bukure, Ceel Hareri, Mabaax, Jiciboow, Booco, Beerxaano,  Ruun Nirgood, Mora ari, Xaawa Gadiid, yasooman, Aboorey , Xawaadley ,Masjid Cali Gaduud,  Nuur Dugle, Ceel Bacad,Hilowle Gaab , Cadaan Laxeey , Warta Dibi samatar, Aadan Yabaal, Guulane,Ceel dheere Buraale Wargaadhi,Ceel Baraf, Alkowthar, Geel Gub, Miir Taqwa, Cadaan Laxeey, Masagawaay, Galcad, Qaayib, Dhisiq Shurufle, Sinadhaqa, Ceelhuur, Faax, Maraay Suuleey, Ceeldheer, Xarardheere iyo kuwo kale.

Wararka laga helaayo Deegaannada Galmudug ayaa sheegaya in Ciidamada Qalabka Sida ay ku jiraan xaqiijinta Deegaannadii dhawaan lagala wareegay Maleeshiyaadka Kooxda Khawaarijta ah ee kala ah Galcad, Ceeldheer iyo Xarardheere haatan ay ka socdaan Xaqiijin amni iyo inay dib ugu laabtaan Deeggaanadooda Dadkii ka barakacayba, waxaana hadda ka bilowday nolol cusub, waayo waxay la‘aayee daryeel iyo Ammaan, waxaana lagu wadaa in looga sii gudbo inta ka harsan Gobolka Galguduud oo kala ah Deeggaanada hoos yimaada Degmooyinka Galhareeri iyo Ceel Buur, si loo soo gabagabeeyo Wajiga 1-aad, loona gudbo Wajiga 2-aad, si uu Iclaamiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo sheegay in wajiga labaad ee dagaalka dalka looga xorreynayo khawaarijta uu ka bilaabanayo dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Mudane Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in umadda Soomaaliyeed ay leedahay hal cadow oo la yiraahdo Shabaab, dowladduna ay dalka oo dhan ka wado dagaal safmar oo guuleystay kaas oo magaalooyin badan looga xorreeyay khawaarijta “Barnaamij dagaal oo dalka looga xorreynayo khawaarijta ayaa dowladdu dajisay, wajigiisa koowaad ayaana gabogabo ah, wajiga labaadna halka ugu horreysa ee laga bilaabayo waa Koonfur Galbeed, waxaana laga xorreynaya dagaalka wajiga labaad laga soo bilaabo xadka Itoobiya illaa bad weynta oo ah dhul ballaaran ”.

Madaxweyna Xasan sheeg ayaa sheegay in siyaasadda dowladdu ay tahay in awoodda la isugu geeyo in dalka laga xorreeyo kooxda khawaarijta ee cadowga ku ah shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu tilmamay in la isku furayo wadooyinka muhiim ah ee ay go’doomiyeen khawaarijta ee isku xira goboladda dalka, Mudane Xasan Shiikh oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri:- “haddii la isku furo wadooyinka xariiriya Muqdisho iyo koonfur galbeed oo laga saaro shabaab, lama ogolaanayo in isbaaro la dhigo, lama yeelayo, dadaalkii ugu dambeeyay ayaa socda oo ku aadan in dhamman dalka laga saaro shabaab, awooda iyo qorsha koowaad ee dowladdu waa in guud ahaan dalka laga sifeeyo khawaarijta “.

Dhinaca kale Wasiirk ku xigeenka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sh. Cadaala ayaa si weyn uga hadlay muhiimadda ku jirta in si wadareed loola dagaalada Maleeshiyaadka Kooxada Khawaarijta ah, wuxuuna tilmaamay in  kadib hirgalinta balanqaadkii Aadan Yabaal iyo Xarardgeere ee Khawaarij xoraynta, Madaxwaynuhu wuxuu sameeyay balanqaadka Koofur Galbeed, isagoo ka dhigay Wajiga Labaad ee halganka.

“Wiilasha iyo Gabdhaha geesiyaasha ah ee reer Koofur Galbeed waa markooda iyo fulinta Balanka Madaxwaynaha ilaah Idankiis, garab iyo gaashanna waxaa idiin ah Ciidamada Qaranka.Reer Koofur Galbeed waxeey haystaan fursad aanay haysan reer Galmudug iyo reer Hirehabeelle kuwaas oo ay ka mid yihiin:- 1- Khawaarijtii oo la tabartiray.2- baraarugga Bulshada Soomaaliyeed oo sareeya.3- Khibrad badan oo aad ka hesheen dagaaladii horay u soo dhacay. Iyo tan 4- kuwa guulaystay oo idin garab taagan hiilna idiin ah iyo arrimo kale”ayuu yiri Wasiir ku xigeenku.

Wasiir ku xigeenka oo nala wadaagay qoralkaan ayaa waxaa kaloo uu yiri:- “ Maanta, waxaa idiin soo gashay fursad aad uga aar goodan kartaan Khawaarijtii idin ihaanaysanaysay muddada Dheer, kuwii aad jeclaydeen idinka laysay, idnka hor istaagay in aad ku noolaataan dhulkiina Hodanka ah, ka faaiidaysataan Barwaaqada Dhulkiina, kuna noolaataan Nolol barwaaqo leh, una Cibaadaysataan si aan  cabsi lahayn. Hadaba, Indhuhu waxay soo eegayaan dhankiinna.Barabarkeey ka baxdaa waa bakayle qaleen ayay joogtaa. Agtiinna ayay taallaa. Guulaysta”.

Wararkii ugu dambeeyay ee Dagaalada lagula jiro Khawaarijta ayaa sheegaya in Inta la xaqiijiyay 49 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab lagu dilay tiro kalena lagu dhaawacay dagaal ka dhacay Tuulada Dhagaxow oo hoos tagta deegaanka Xawaadlay ee gobolka Shabeellaha Dhexe, howlgalkaan oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka, Geesiyaasha dadka deegaanka, Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ayaa waxaa lagu beegsaday Khawaarij isku abaabulaysay dhul beereedka Sheekh Qaasim, iyadoo Maleeshiyaadka la laayay uu ku jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka mid ahaa kooxdii weerartay saldhigga Ciidanka Xoogga Dalka ee deegaanka Xawaadleey oo hoostaga Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sida la xaqiijiyey kooxda Khawaarijta ayaa halkaan waxay ku haysteen dhaawacyo badan oo iyaga ka mid ah, kuwaas oo horay ugu soo dhaawacmay dagaalada dalka looga xoraynayay,iyadoo xogaha la helay muujinayaan in khawaariijtu ku dhamaystireen dhaawacdii ay goobta ku haysteen, waxaana jirta in howlgalka inta uu socday Khawaarijta laga soo furtay Gaadiid Dagaal oo ay horay u qaateen, kuwaais oo uu ku jiro Gaari uu saaran yahay qoriga Zuu-ga, waxaana sidoo kale howlgalka lagu burburiyay Gaadiid dagaal iyo saanad ciidan.

Marka ay dunidu fallaago ama Argagexiso la gasho 3 weji ayaa laga rabaa in lagu wajho:- Midda 1-aad  oo ah guluf dagaal oo Xorrayn. Wejiga labaad oo ah gacan ku heynta goobaha laga xorreeyay. Iyo kan Wejiga 3-aad oo ah  Xasilin, lana sameeyo dhismaha maamulka garsoorka, hey’addaha amniga, deegaanka iyo bixinta adeegga asaasiga ah ee bulshada sida caafimaadka iyo waxbarashada, si ay bulshadu u dareemaan neecawda nabadda iyo in ay fallaagadii ka raysteen.

Haddaba marka ay jabeen Maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug halkeey tahay inay u sii jeestaan?, ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa shewegaya in Khawaarijtu Horjooyayaashooda iyo Maleeshiyaadkooda ay ku wajahan yihiin deegaannu ka tirsan Maamul-goboleeyada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, si ay sii wataan howlahoodii guracnaa, balse loogama hari doono, waxaana lagu kala furi doonaan dagaalada xoreynta wajigiida 2-aad iyo kiisa 3-aad, madama uu kii 1-aad uu gababa ku dhow yahay.

Diyaarintii C/Ruush