Xaaladda Bariga Dhexe oo sii xumaaneysa iyo Mareykanka oo diraya ciidamo dheeraad ah

Xafiiska Pentagon-ka Mareykanka ayaa sheegay in milatariga Maraykanku uu gobolka geyn doono dagaalyahanno iyo maraakiib dagaal oo dheeraad ah, iyadoo ay sii kordhayso cabsida laga qabo in Iiraan ay ka aargoosato Israa’iil,kadib dilkii Tehran loogu geystay madaxii siyaasadda ee Xamaas Ismail Haniyeh.

Hadaladaan ayaa soo baxaya xilli saddex carruur ah, qof dumar ah iyo oday waayeel ah lagu dilay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay magaalada Gaza, sida uu sheegay difaaca rayidka ee Falastiin.

Dhinaca kale,Kumanaan kun oo baroordiiqayaal  ah ayaa isugu soo baxay guud ahaan deegaanada Bariga Dhexe,gaar ahaan  Lubnaan, Yemen iyo Urdun si ay u xusaan Haniyeh ka dib markii lagu aasay Qatar.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in ku dhawaad ​​saddex-meelood laba meel dhammaan dhismayaasha Marinka Qaza oo ah in ka badan 151,000 oo dhisme ay ku waxyeeloobeen ama ku burbureen weerarrada Israa’iil tan iyo 7-dii Oktoobar.

Ugu yaraan 39,480 qof, oo ay ku jiraan 16,314 carruur ah, ayaa la dilay 91,128 kalena waxaa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza.