Xaalad jahwareer ah oo ka taagan Dalka Israa’iil

Bannaanbaxyo iyo shaqo joojin loga horjeedo wax ka beddelo garsoorka dalka ee uu horkacayo Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ka socda gudaha dalkaasi.

warar hordhac ah oo soo baxay maanta ayaa  sheegay in netenyaahu uu ku dhawaaqi doono joojinta qorshihiisa uu ku doonayo in uu wax kaga beddelo garsoorka.

Waxaa sii kordhaya kooxaha mucaaradka ah ee ka horjeeda qorshaha Netanyaahu ee uu ku doonayo in uu wax kaga beddelo garsoorka dalka.

Wax ka badalka xagga garsoorka ,waxay keentay mudaaharaad ballaaran oo socda muddo toddobaadyo ah,waxaana illaa hadda arrimahaasi ka hadlay siyaasiyiin badan oo la tilmaamay in qaarkood la casilay sida wasiirkii difaaca.