XAAJO MEEL AYSAN JIRIN LAGAMA GOOBO

Howlaha iyo Xaajooyinka marka la rabo in la guto waxay leeyihiin marriinno loo maro, haddii aadan aqoonna waa laga fogaadaa, waayo waxaad laga yaabaa inaad lugaha la gasho dhiiqo iyo inaad kala kulanto waji gabax.

Wuxuu yiri abwaankii- Howlaha adduunyada waa kuwaa is heysto aan kala hareyno Hammigiyo faraxuna midba waa halkiisee

tala bixintu iyo tiraabtuba waxay u baahan yihiin in wax badan la rog rogo si loo waafajiyo halkii ay mudneyd ujeedada iyo tilmaantuna waa  toosin iyo tixgelin.

haddaba dulucda maqaalkeyga waa mus’uulka daacadda ah iyo dowga laga rabo.

mar haddii lagu doorto oo dowlo lagaa dhigo dal dhis iyo dad wax u qabasho ayaa lagaa rabaa doonayaa, wixii aan dantooda ahaynna waa laga fogaadaa.

sumcad xumada dalka iyo dadka waa laga ilaalshaa, barwaaqo sooran iyo dal barwaaqo inaad ka dhigtaa la doonayaa, daacad inaad ahaataa la doonayaa, daciifnimo inaad ka dheeraataa la doonayaa, doolar iyo diinaar inaad u keenta la doonayaa, shidaalka dihan inaad dibadda keentaa la doonayaa, dayuuska, daydayga iyo dilaaga  inaad dabargooysaa la doonayaa, intaasoo wada da’ah iyo wax ka badan ayaa la doonayaa.

haddaba, tallaabada ugu habboon ee mas’uulka laga rabo waa inuu la tashado dadkiisa iyo kuwa talada kala dhaxeyso ee ugu habboon ama uu ku tuhmayo daacadnimo iyo Alle ka cabsi.

haddaan dib uraacno talooyinka muslinka nabigeenna muxamad Scw wuxuu la tashan jiray asxaabtiisa mana ahayn mid isku kooba talada.

wadiiqada ugu habboon ee aan umari karno hoggaaminta waa inaan ku dayano isaga iyo khulufaa’u raashidiin si looga baaqsado guuldarrada cadowga kula damacsan yahay adiga iyo hoggaamintaada.

ha u dabcin hana u jixin jixin koox kasta oo dooneysa dib u dhac, caddaalad darro, qabyaalad, eex iyo nin jecleysi, ummad kastoo muslim ah waxay mahdiyaan hoggaanka wanaagsan waxayna eedaan oo dhibaato ku dhacdaa hoggaanka xun.

guushu waxay u baahan tahay adkeysiimo, ka fiirsi iyo daacadnimo, markaas ayaa waxaad gaareeysaa meel aan cadowgaadu kula rabin oo wanaagsan.

muslimka toosan ilaah baa garabkiisa ah, mas’uul kasta waxaa habboon in uu iska ilaaliyo Diin laaweyaasha iyo kuwa gacanta dhiigga ku leh ee ku soo dhuuman kara taliskiisa, hana soo dhaweysan ruuxa xun, hana ku tixgelin qabiil iyo xisbi toona, waayo wuxuu doonayaa inuu dilo sumcaddaada iyo sharafka qarannimo ee aad hoggaanka ka tahay.

weligaa runta sheeg oo been how sheegin dadka aad hoggaamiso,  la wadaag dhacdooyinka hadey xun yihiin iyo haddey san yihiinba, waayo way kula qaadanayaan ama way kaala talinayaan, iska jir kuwa ku siinaya talooyinka khaldan, waxaa la yiri wixii aad qarsato way ku qarsadaan dadka aad hoggaamineysana mas’uulow way ku jeclaanayaan.

Dardaarankuna waa dadka iyo dalka daacadnimo ku hoggaamiya oo ummadda u horseeda nabad iyo ammaan, sheekaduna waa nin la sugaayow maxaad sugi.

WQ: Osman Dhiblaawe