William Ruto oo goordhowed loo dhaariyey madaxweynaha Kenya.

William Ruto oo goordhowed loo dhaariyey madaxweynaha Kenya.

Madaxweynaha dalka Kenya ayaa Goordhowed loo dhaariyey William Ruto oo ku guulaystay Doorashadii dhowaan ka dhacday Dalkaas.

Munaasabada Dhaarinta ayaa ka qabsoomtay Garoonka Weyn ee International Sports Center Stadium ee magaaladda Nairobi.

Madasha Caleemo saarka ayaa waxa ka qayb galay madax kala duwan oo uu ka mid yahay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Dalalka Kenya iyo Soomaliya ayaa leh xiriir saaxiibtinimo iyo mid Ganacsi iyadoo dhowaan labada Dal kala Saxeexdeen heshiiyo Ganacsi.