WIIL IYO HOOYADIISA OO LABADUBA BAQIILO AH.

Waxaa jira sheeko Ku saabsan wiil iyo hooyadii oo labadooduba ahaayeen kuwa baqiilo ah.
Wiilka iyo hooyadiisa ayaa waxa ay ku noolaa yeen tuulo oo ay ku haysteen beero iyo sidoo kalena waxa ay tuulada ku haysteen xayn yar oo Ari ah , tuuladana waxa ay u dhow magaalada oo ay u soo adeegdoontaan.

maalinka ay wax oga baahdaan.

maalin maal maha kamid ah ayaa waxaa dhacaday willkii iyo hooyadii oo labadooduba baqiilo ahaayeen in ay soo martiyaan dad ay yihiin qaraabo dhow oo u gu yimid meel aad oga fog waxayna yimaadeen guriga ayaga oo daalan.

markii ay martidii yimaadeen Hooyadii ayaa wiilkeedii waxa ay u dirsatay hilib Martida loo kariyo laguna martisooro .

Wiilkii ayaa baxay oo hilibkii raadiyey waxaana uu tagay kawaanka lagu iibiyo hilibka waxaana uu wiilkii Ku Yiri kawaan lihii waxaan rabaa ?

Kawaankihii Wuxuu ugu jawaabay waxaan haayaa hilib u macaan sidii malabka wiilkii ayaa Yiri haddii uu hilibka u macaan yahay sida malabka waxaan raadsanayaa malabka.

Wiilkii ayaa bilaabay in uu raadiyo malabka raadin dheer kadib waxa uu arkay goob lagu iibinaayo malabka wuxuuna Yiri malabaan rabaa .

Ninkii wax iibinaayey ayaa ugu jawaabay waxaan haayaa malab saafi u ah sida baiyaha oo kale, ninkii malabka iibinaayey marka uu sidaas Yiri wiilkii waxa uu ugu jawaabay Biyaha waxa ay nooyaalaan xaafada.

Wiilkii ayaa dib guriga ugu soo noqday waxa uu hooyadiisa oga waramay waxa uu suuqa Kala soo kulamay wuxuuna Ku Yiri markii aan tagay goobtii hilibka lagu iibinaayey waxaan iri hilibka Hala iga iibiyo , ninkii hilibka gadaayey ayaa igu yiri waxaan haayaa hilib u macaan sida malabka , markii uu sidaas Yiri hiliblihii ayaa waxaan bilaabay in aan raadiyo malabkii raadin dheer kadib ayaa tagay goob lagu iibiyo malabka waxaan Ku ibri malabka iga iibi, ninkii malabka iibinaayey ayaa wiilkii Ku Yiri waxaan haayaa malab saafi u ah sida biyaha ayuu u sheegay wiilkii hooyadiisa oo baqiil aheed intii uu suuqa Kala suu kulamay.

Hooyadii ayaa wiilkeedii isna baqiil ahaa ugu jawaabtay wiiilkeygiyow waad mahadsantahay waad soo dadaashay wax badan baad socotay amee kaa dhamaadeen kabihii markaa buuu

Ku Yiri hooyadiisii, hooyo kabihii waxaa qabatay martidii waxba ha kawal Walwalin.

WQ: Abdishakuur Yuusuf Aadan