WHO oo dalalka Yurub uga digtay faafitaanka Feyruska Omicron

Hay’adda caafimaadka Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo WHO ayaa ku boorisay dowladaha Yurub inay u diyaar garoobaan ka hortaga Feyruska Omicron, kaasi oo koror weyn laga dareemayo kiisaskii ugu danbeeyay ee uu soo ritay, gaar ahaan dadka ku nool Qaaradda Yurub.

Shir jaraa’id oo uu fiidnimadii Xalay ku qabtay Caasimadda Austria ee Vienna , Hans Kluge, oo ah Agaasimaha Ururka Caafimaadka Adduunka ee Qaaradda Yurub, ayuu ugu digay dalalka Yurub faafitaanka xanuunkan.

“Waxaa noo muuqato mowjadaha xanuunka Omicron, oo ku socodo xawaare sare, taasi oo ku wajahan waddamo badan oo gobolka ah, sidaa darteed Waddamada reer Yurub waxaan ku wargilineynaa in ay ka digtonadaan faafitaanka xanuunkan.”

Hans Kluge, ayaa sidokale xaqiijiyay in 38 ka mid ah 53 xubnood ee Ururka Caafimaadka Adduunka ee Qaaradda Yurub, laga helay Feyruska Omicron.

Feyruskan Omicron mutant, ee qeybta ka ah xanuunka Covid 19, ayaa sida la sheegay noqonaya mid ka ugu xooggan dhamaan faracyada Feyruskan Covid 19.