WELIGAA HA KHAYAAMIN WADDANKAAGA IYO NAFTAADA

Waxaa badan kuwa aan kala garan waxa la gudboon marka ay runta joogto, waxaa badan kuwa aan kala garan Karin waxa saxda ah iyo waxa khaldan, halka ay jiraan kuwo caksigooda ah oo kuwaasi ka soo horjeeda.

Ujeedka maqaalkeygu wuxuu ku abaaran yahay in aan marnaba dhaxdhaxaad laga noqon Karin arrimaha ku saabsan Qarannimada dalka, Calanka iyo Ciidda iyo weliba Diinta.

Kuwani waa jiritaankeenna tilmaamaya adiga waxa aad tahay, dalkeennu waa mid ka aan ku dhalanay una dhalannay, calankeennu waa midka buluugga ah ee dhaxda ku leh xiddiga cad ee shanta gees leh, Diinteenu waa midda aan unasab sheeganno oo waxaan nahay Ummad Islaam ah oo qiray shanta tiir islaam iyo Lixda Iimaan waxaan nahay dadka boqolkiiba% lagu tilmaamo inay yihiin Muslimiin.

Haddaba, marka la soo weeraro Dalkaaga, Diintaada iyo weliba Calankaada ma waxaan oranayaa dhaxdhaxaad baan ka ahay, maya kama noqon kareysid, weliba waxaa intaas dheer inaad u dhimato.

Waxaad arkeysaa dad dhaxdhaxaad ka noqonaya tusaale Soomaaliya iyo Kenya, Dowladda iyo Alshabaab iwm.

Waxaa kaloo aan halkaan ku xusayaa waxa la yiraahdo Qaa’inul Waddan, waa maxay qaa’inul waddan, qaa’inul waddanku waa sida tilmaantuba sheegeyso waa midka qaa’ima dalkiisa iyo dadkiisa, midka ugu xunna waa kan dalkiisa iyo dadkiisaba u looga cadowga, waa kan sirta dalka bixiya eek u iibsada wax yar oo sandareerto ah,waa kan habeen iyo maalinba jecel una soo jeeda jillaafeynta qarankiisa, markii lug kuu baxdaba aan oggoleyn in midkale kuu baxdo, waana cadow kula jira kaana jira.

Waxaa la yiraahdaa qaa’in waddanku waa musiibo, qaa’in waddanku ma arko waddanka iyo wax yaabaha uu uga baahan yahay ee wuxuu arkaa danahiisa shaqsiyadeed ee markaas isaga heysa.

Qaa’in waddanku ma qiimeeyo dadkiisa, dalkiisa iyo diintiisa toona, waa halis ku dhex jirta bulshada uu ka dhashay, waa hubaal qofka ku sifooba qaa’inul waddan mudankiisu waa Ciqaab adag oo aan ka gabasho lahayn, waayo wuxuu hog dheer ka tuurayaa dal iyo dad iswata, waa halis qaran iyo shacab ku dhex nool.

Qaa’inka iyo Sixirowgaba waxay mudan yihiin in si fiican loo ciqaabo, waayo waxay ku farxaan jabkaada, waxayba kasii jecel yihiin in dalkaan iyo dadkiisuba lala wareego.

Qaa’inku waa kan had iyo jeer dhabar jebiya dalkiisa iyo dowladdiisa, waa kan waxa san u roga wax xun, waa kan ceebeeya dalkiisa, waa kan cambaareeya horumarka dalkiisa.

Dalkaan wuxuu ka yimid meel fog uma baahna in xilligaan la xagal daaciyo,  uma baahna kala qoqob dadkiisa ee wuxuu u baahan yahay kanaa keenay ee adiguna kaas keen, intaan qabtaye adiguna inta qabo.

Yaan dalkaan looga faa’iideysanin si uusan mudneyn, halaga daayo hagar daamada iyo xaqiraadda, xumaanta lala daba joogo waxaan arrintaasi u sheegayaa dhamman muwaadinka saxda ah inay maqlaan, kana fogaadaan waxa la yiraaddo qaa’inul waddan.

Waddankan Soomaaliya la yiraado, oo dunnida meel istiraatiijjiyad ah kaga yaallo ayaa ilaahey wuxuu ku manneystay kheyraad dhinac walba ah, waxaana jira dowlado badan oo dani ka heyso kheyraadka dalka, qaarbaa markay danahooda ka waayeen billaabay in ay sameeyaan arbushaad, taasina waxba ugama tareyso doonistooda aan sharciga ku saleysneyn.

Marka muwaadin hanoqon kii loo adeegsan lahaa burburinta dalkiisa hanaqaadka ah, shaqsiga soomaaliyeed ee waddaniga ah waxaa lagu yaqaannaa difaacidda iyo garab istaagga waddankiisa markay runta joogto, waana kuwa ka khiirooda damaca kuwa dulleysan iyo daandaansiga ducufada aan iska warheyn kusoo haweysanayaan dhul aysan lahayn.

Dawacadu waxaa lagu tilmaamaa inay tahay mid qayaano iyo iska daba wareeg badan, haddaba nin hurdaa la kiciyaa ee nin soo jeedaa dawacooy maxaad oran?

Sida la wada ogyahay Gumeysigu waxuu dalkeenna soomaaliya u qeybiyay shan, markay u adkeysan waayeen soomaali weyn oo isku duuban, haddaba weli waxaa shaqeynaya siyaasaddii ahayd qeybi oo xukun, laakiin maalin maalmaha ka mid ah way ahaan doontaa soomaali oo mid ah, waana mid aad u dhibeysa gumeystaha kiisa madow iyo kiisa cadba.

Haddaba, iska jir waddanniga soomaaliyeedoow, siyaasadaha cadowgu way noocyo badan yihiin goor walibana meel ayaa lagaa soo gelayaa, si aad u noqoto mid dalkiisa mucaarad ku noqda oo wixii samba loo tuso inay yihiin wax xun.

Waa hubaal waddaniga soomaaliyeed wuu ogyahay wixii la soomaray kala qeybintii iyo kala abla ableyntii, waddo kala xirashadii iyo isdilkii damiir li’ida ee la soo maray.

Ma suurowdaa in mar kale nalagu tashkiiliyo in wixii la soomaray oo kale? Umaleyn maayo in waddani soomaaliyeed oo loo sheegi karo in uu jiro.

 

Waddaniga soomaaliyeedoow ma aragnaa in wax badan is beddeleen? Ma aragnaa in maanta khawaariijtii dadka xasuuqi jirtay manta gabalkeedu dhacay oo meel walba lagu ugaarsanayo, Haa lama qarin karo lamina daferi karo, weli waxaan ku soconnaa jaran jaradaas oo mid waliba mar laga gudbayo iyadoo caqabadaha gumeyste la jirku ay intaas goobayaan inay lugta qabtaan horumarka la tiigsanayo.

Beentu runta way ka dheereysaa, haddana meel fog ma gaadho oo waa laga daba tagaa, markii wanaag kasta oo la sameeyaba xumaan laguu  tuso, ka dib ayaad garataa wax waliba sidey ahaayeen.

Waxaa la yiraahdaa sixun wax u sheeggu sixir waa ka daran yahay, waa inaad muwaadinoow iska fiirisaa bah-bahlayaasha beenta badan ee ku qaxweeya waxaan jirin oo aan sal iyo raad toona lahayn.

Waxqabadka la wado oo dhinac kasta ah haddeey noqon lahayd dhinaca dhaqaalaha, Amniga, dib u heshiisiinta, maahan wax la soo koobi karo weliba shidaalkii oo saxiixa lagu jiiday goor dhawna dalku isu beddalayo dal barwaaqo sooran ah, ma waxaan dhahnaa waxba lama qaban, side haddaba la ii agmarin karaa waxaan u jeedo, waxaan rajeynayaa in badan inaad garan kartaan wanaagga socoda ee dowladda federaalka ka waddo dalka, xataa kuwii ku meel gaarka soo ahaa waxay soo gaarsiiyeen meel fiican taas ayaana mar waliba laga duulayaa horaana loo soconayaa dib dambe gadaal loo noqon maayo ee hurdoow toos.

WQ: Boodda Dheere