Wefdi uu hoggaaminayo Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka oo gaaray magaalada Hague

Wefdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa gaaray magaalada Hague ee dalka Netharland si ay uga qeyb galaan go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ.

Maxkamadda ayaa 12-ka bishan October ku dhawaaqi doonta xukunka dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku kalsoon tahay go’aanka maxkamadda.