Wefdi ka socda guddiga doorashooyinka heer federaal oo gaaray Baladweyne

Wefdi isugu jira guddiyada doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad goboleed ee Hirshabeelle ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaas oo si diiran loogu soo dhoweeyay.

Wafdigan oo uu hoggaminayay guddoomiye ku-xigeenka guddiga doorashooyinka mudane Mowliid Mataan ayaa waxaa xubnaha wehelinayay ka mid ah guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Xasan Diini iyo xubno kale ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Baladweyne ku soo dhoweeyay mas’uuliyiinta maamuulka gobolka Hiiraan iyo Bulshada qeybaheeda kala duwaan.

Soo dhoweyn ka dib, guddiga ayaa kulan xog-wareysi oo arrimaha doorashooyinka quseeya la yeeshay mas’uuliyiinta maamul gobolka Hiiraan, kan degmada Baladweyne iyo qaar ka mid ah Bulshada deegaanka.

Madaxda guddiga doorashooyinka heer Federaal iyo kan maamulka Hirshabeelle ee Baladweyne maanta gaaray ayaa sheegay in ujeedkooda uu yahay kormeerida goobaha loogu talagalay in ay ka dhacdo doorashada Xildhibaanada golaha shacabka oo dhawaan la filayo in ay ka bilaabato dalka.

Ugu dambeyntii, Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay u diyaarowbeen in magaalada Baladweyne doorasho ka dhacdo amnigana uu hagaagsan yahay.