Weerar ka dhacay dalka Thailand oo sababay dhimashada 34 Caruur ah

Thailand weerar lagu qaaday xarun lagu xanaaneeyo caruurta oo sababay dhimashada 34 qof.

In ka badan 34 qof oo u badan caruur ayaa ku dhintay weerar toogasho ah oo ka dhacay xarun lagu xanaaneeyo caruurta oo ku taal gobolka Nong Bua Lamphu ee waqooyi bari dalka Thailand.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in ninka weerarka geystay uu oo hore uga tirsanaan jiray Booliska iyadoo aan weli la soo qaban dhib geystaha.