Xabagta caddaadku waa aamin marka laga qaadanayo afka hadii aan la iska badin, waxaa la la tijaabiyey 30garam oo xabagta ah mudo 6 todobaad ah wax waxyeelo ahna laguma arag.
- Lama oga saamayntiisa marka maqaarka loo isticmaalo.
- Waxaa haboon inaan la isticmaalin xiliyada nuugmada iyo uurka.
- Waxaa reeban inay isticmaalaan dadka qaba neefta (asthma).
- Waxaa reeban inay isticmaalaan dadka xasaasiyada ku qaba dhirta
qaarkeed.
- Dadka qaba sonkoroowga waa inay ka ditoonaadaan isticmaalka xabagta
cadaadka, waxay hoos u dhigtaa sorkorta dhiiga, marka waa in dib u eegid
lagu sameeyo daawada sonkorta ee uu bukaanku qaadanay inta uu
isticmaalayo xabagta caddaadka.
- Xabagta caddaadku waxay koontarooshaa nisbada sonkorta dhiiga, taasina
waxay keeni kartaa dhibaato weyn marka qaliimada la samaynayo, sidaa
daraadeed lama ogola in la isticmaalo xabagta caddaadka qaliimada
hortood.
Sidee loo abuuraa geedka cadaadka.
Geedka cadaadka waxaa laga abuuraa mirihiisa, waxaa la abuuraa xiliga guga, marka aad abuuraysid iniinyahay cadaadka biyo la dhig mudo 24 saac ah ugu yaraan, mirka iniinyuhu soo bararaan u diyaari meeshii aad ku abuuri lahayd (ama weelkii aad ku abuuri lahayd) ku shub carro jilicsan oo cosob ah bartanka u dhig iniinta oo carrada ku rog kadibna waraabi, waxay ku soo dhalanaysaa laba todobaan inshaa allaaah.
Iniintu marka ay soo dhalato ka ilaali in ay qalasho, waana in ay iftiinka maalintii ayna helin 6 saac wax ka badan.
Taxaneheena xabagta cadaadka waxaan ka barangay cashiro muhiim ah oo ay ka daahsoonaayeen qaarbadan oo shacabkeena ah balse manta ka faa’iday xogo badan oo ku saabsan xabagta cadaadka oo ay kamid yihiin waa maxay xabagta cadaadka, muhiimada uu leeyahay, faa’idooyinkiisa iyo sidii loo beeri karo Ayaan ku soo koobnaya taxaneheena .
WQ: Abdinasir Ganey