Markii ay baaqdeen fasalkii xilliyada roobka oo isxig xigay ayaa waxaa dalka ku dhufatay abaar oo sababtay barakac xooggan oo haleelay beeraleydii ku howlanaa waxsoo saarka tacabka beeraha.
Waxaa beeraleydii ay soo beegsadeen magaalooyinkii waa weyn iyo meelaha ay is leeyihiin waad ku barabixi kartaan.
Inkastoo beeraha waraabka ay yara dhaamaan kuwa roobka haddana waxaa kor u kacay sicirka guud ahaan qudaarta iyo quutul daruuriga oo kor u kacay taasoo ay ka dhalatay markaa dhan kale laga eego isbeddelka cimilada iyo xaalufinta loo geystay kol hore deegaanka oo isbiirsaday, weli waxaa taagan macluul iyo nafaqo darro oo la soo daristay beeraleydii oo ku soo barakacay magaalooyinka waa weyn
Dadkani ayaa u baahan gargaar wallow dadka wax heysta ay qaarkood gacan ka geysteen arrintaas abaarta ayaa sidoo kale ku dhufatay gobollada jubbaland, Galmudug oo dadkii xoolaha nool lahaa ay dhamaan dhaafeen kuwaasoo la il daran macluul iyo gaajo iyo daryeel la’aan una baahan gurmad caafimaad iyo mid aadannimo.
Beeraha dalka oo u kala baxa kuwo waraab ah iyo kuwo kubaxa fasalka xilliyada go’ga iyo deyrta ayaa laga dareemayaa inuu ku yimid dib u dhac xooggan wax soo saarka beeraha ee gobollada shabeellada hoose iyo dhexe ayaa badiyaa daboola baahida qudaarta iyo furatada dalka inkastoo ay wabiyadu ay biyo yareeyaan haddana wax uunbaa ka soo baxa beerahaasi, haddaba waxaa loo baahan yahay in daraasad lagu sameeyo dib u dhaca iyo waxyaabaha sababa oo asalka u ah abaarta waana mid looga fadhiyo wasaaradda beeraha inay xil iska saarto arrimahaasi isla markaasna ay ka howlgasho tijaabada saraca beeraha ee ka bixi kara dalka taasoo micno weyn ugu fadhida dadka soomaalida.
Wax soo saarka beeraha waa muhiim in dadaal dheeri ah laga muujiyo daboolidda baahida bulshada waddanka oo laga xaqab tiro cuntada daruuriga ah sida masagada, galeyda, digirta, salbuko, bariiska, iyo qudaarta sida basasha, baradhada, limo ugunji, limo dhannaan, barbarooni, baabaay, qaraha, muuska, cambo, canuuni, iyo caad iwm.
Si markaasi loo helo suuq geyn dibadda ah sida ay ahaan jirtay in muuska soomaalida loo dhoofiyo iyadoo loo dhoofin jiray dalalka talyaaniga, boqortooyada sacuudiga, yemen, khaliijka carabta, taasoo dalka ka soo geli jirtay lacag adag, waa in dib u habeyn lagu sameeyaa habka wax soo saarka beeraha ee dalagyada muuska iyo kuwa soo raaca/
Waxaa habbooneyd in la dayac tiro kanaalladii biyaha waraabka doorka ka qaadan jiray ee shabeellada hoose iyo dhexe, oo kaalin wacan ka qaadan kara habka waraabka beeraha iyo doorka wax soo saarka dalagyada laga qoto beeraha inkastoo weli si wacan aysan u muuqan ururkii iskaashatooyinka beeraha soomaalida oo kaalin wacan ka ciyaari jiray wax soo saarka dalka ayaa imanka looga baahan yahay inay boorka iska jafaan una dhaba galaan habkii lagu yiqiin ururka ee soo saarka beeraha wacdarana ka dhigi jiray.
Arrinta si kastaba ha ahaatee hoos u dhaca ku yimid wax soo saarka beeraha sannadahaan dambe ayaa dhinacyo badan quseeyaan balse haddana lagama maarmaan ay tahay in dib loo yagleelo kaalinta wax soo saarka beeraha dalka, taasoo aan looga maarmin in la gaaro isku filnaasho dalka quutul daruuriga gudaha waana mid loo baahan yahay in loo dejiyo qorsho dhow iyo mid fog oo ku aaddan horumarinta iyo fidinta beeraha si markaasi ay u muuqato habka dhaqan dhaqaale ee waddanka.
WQ: Ibraahim Fanax