Xilligaan lagu jiro waxaa aad u yaraaday helida biyo nadiif ah, ceelal gacmeedyada magaalada Xuddur intooda badan wey gureen waxa kor usocda qiimaha biyaha lakala siisto, habeen iyo maalin.
ceelasha fara ku tiriska ah ee biyaha ku soo hareen safaf ayaa loo galaya, xoolo ari iyo dameero u badan oo dhamaaday ayaa daadsan daafaha magaalada, ma ahan oo keliya magaalada Xuddur xaalada biyo yarida ee waxa ka siman degmooyinka iyo deegaanada kale ee gobolka Bakool ka tirsan.
Waxaa lagu jiraa bilowga xilliga jiilaalka ah ma muuqato ceelasha biyaha laga helayo in wakhti dheer dabooli karaan baahiyaha biyo la’aaneed ee ka jirta magalada xuddur oo bulshada reer Bakool ku sugan yihiin qaar kalena ku soo qul qulayaan.
haddii ceel riig laqodilahaa waxa adag sida uu ku soo gaaro maadaama magaalada go’odoonsantahay, xaalada biyo yarida iyo abaarta waxay sababtay in barakacayaal cusub oo aad u xoogan soo gaaraan magaalada Xuddur asbuucaan aanu ku jirno kuwaa soo fariisimo cusub ka samaysanaya banaanka magaalada.
Maamulka degmada Xuddur ee gobolka Bakool oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegey in kamaamul ahaan xaalada jirta waxba ka qaban karin sidii magaalo go’doonsan umaamulayaana aad ugu dedaaleen ayna usii wadi doonaan, waxayna baaq u direen dowlada Koonfur Galbeed iyo dowlada dhexe in si deg deg ugu soo gurmadaan dadka abaartu saamaysay, maamulka waxay intaas ku dareen in qorshaha ugu muhiisana ay tahay in argagaxisada laga xorreeyo goobaha ay kaga sugan yihiin gobolka Bakool.