Waxaa Magaalada Accra ee dalka Ghana lagu soo gabo gabeeyay Shirka agaasimayaasha Furdooyinka Afrika ee AFCFTA.

Shirkan oo ahaa meertadii 8-aad ee agaasimayaasha Furdooyinka Afrika ayaa looga hadlay fududeynta Ganacsiga, wada shaqeynta Furdooyinka Afrika iyo hannaanka maareynta gaadiidka Transit-ka ku ah Furdooyinka Afrika.

Dhinaca Soomaaliya oo ku matalayay wafdi uu hoggaaminayo agaasimaha Furdooyinka dalka ee Wasaaradda Maaliyadd Abuukar Sheekh Axmed Mursal iyo khubaro ka socday Kastomka dalkeenna ayaa madasha kulanka kusoo bandhigay aragtiyo tilmaan u ah horumarka iyo dib u habeynta Furdooyinka dalka.