Wax ka ogow sheekada ku hoos qarsoon dagaalka khwaarijtu ka waddo dalkaan (Warbixin)

Muddo ka badan 15-sano ayay dalka iyo dadka dhibaato adag ku hayeeN Khawaarijta, waxaana hadda isbedel xoog leh oo dardar ku socda laga dareemayaa howlgallada lagu baacsanayo kooxaha Khawaarijta arxanka daran, kuwaas oo laga saaray deegaanno badan oo ka tirsan dalka.

Si aan loo fahmin dhagarahooda waxay soo dhoweysteen cid walba oo aan lahayn aqoon Diineed iyo mid maadi ah, kuwaas oo ay ka dhigeen madaxdii xukumi lahayd Bulshada Soomaaliyeed ee qadarisa dhaqankooda iyo Diintooda.

Waxaad isweydiineysaa maxay tahay sababta ay u dhisan yihiin Khawaarijta laga hor wareejinayo caqabadii ay ku hayeen Diinta, dhaqanka iyo horumarka?.

Maxamed Cumar Abuu Ayaan ayaa su’aashan hordhignay  “ Waa inaan ummaddeyda u naxaa, Ummadeyda muslimiinta ahna waa inaan u sheegaa wax haba yaraatee Diin ah u socon, oo wanaagooda u socon, Waxaan ka aamisanahay in ay yihiin dad la soo shaqaaleystay oo ummadda muslimiinta Soomaaliyeed ka hortaagan in ay marnaba nabad helaan oo midoobaan, oo dowladnimadooda u soo laabato kana baxaan qaxootinimada iyo dhibaatada,”.

Qofka waliba oo Soomaaliyeed waxay si cad u ogtahay dagaalka Khawaarijta ay ku hayso Diinta si bulshada u fasahaadiyaan, waxaase ka sii daran dagaalka aan la ogeyn oo ay ku hayaan dhaqanka Soomaaliyeed.

Mid ka mid ah culumada Soomaaliyeed ayaa cabiraya sida Khawaarijta u marin habaabiso una caburiso bulshada iyo dadka hormuudka u ah.

“ Qabiil dhanaa loo tegayaa, kan dadka ugu jaahilsan ugu caraabisan ama ugu dhalinyar aa kaaba qabiilka looga dhigaa, cuquladadii dadkaasi, waxgaradkooda midna waa la eryay, midna xabsi ayaa la geliyay, waxaan arkay 80-sano jir dhahaaya 7-jeer ayaa xabsi galay, waxaana arkay todobaatan iyo dhowr jir dhahaayo 7—sano beledkan ka maqnaa amar ayaa la igu siiyay inaan ka baxo,”

Dulmiga aan ka soo sheekeynay waxaa laga dareemay qoyska kasta oo Soomaaliyeed sida uu qabo Sheikh Ibraahim Maxamed Kulmiye.

“ Qoys maanta ummadda Soomaaliyeed oo dulmiga Khawaarijta uusan gaarin lama soo helaayo si taban ama si togan ayay ummadda Soomaaliyeed u wada dhibaateeyeen,”.

Iftiiminta aan ku sameynay Khawaarijta oo ah in ay yihiin duul u shaqeynaya quwada kale waa mid aan ku dooneyno in ay ku sii baraarugaan Bulshadan ka kacdoontay dhagarta xadka dhaaftay oo ay muddo ku hayeen.

Ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka ayaa dhawaan Khawaarijta kala wareegay deegaanno iyo degmooyin badan oo muddo ka badan 10-sano gacanta ay ku hayeen, waxaana laga dilay horjoogayaal sar sare. Dhinaca kale, waxaa xoogaystay kacdoonka dadweynaha Soomaaliyeed ay kaga qayb qaadanayaan hawlgalka lagu cirib tirayo kooxaha khawaariijta.