Ilaahay ayaa mahad leh, naxariis iyo nabad gelyona ha ahaato nebi Muxamed korkiisa.
Walaalayaal waxaan halkan idiinku soo koobayaa qodobada ugu muhiimsan ee gudashada xajka. Taas waxaan u yeelayaa maadaama ay dad badani u kicitimayaan dhawaan soo gudashada faralka xajka. Waxaan hubaa inay caawin doonto dadka qaarkii. Markaa qofkii garanaya cid xajka ku socota ha u daabaco warqaddan.
Haddaba waxaan leeyahay; xajka waxaa loo gudan karaa saddex siyood oo saddexduba bannaanyihiin, balse kala mudan. Saddexdaas qaybood waxay kala yihiin:
- Xajka Qiraan
- Xajka Ifraad
- Xajka Tamattuc
Maxay toloow kala yihiin saddexdan nooc?
- Xajka Qiraan = waa in marka la xidhanayo la isku daro xajka iyo cumrada oo la yidhaa: ”labbayyka Bi xajjin wa cumrah”. Qofku ma xalaaloobayo ilaa ay dhammaadaan cibaadooyinka xajka oo dhami.
- Xajka ifraad: Waa in qofku marka ugu horraysaba uu xidho xaj keliya oo uu yidhaahdo: ”Labbayka bi xajjin”. Qofkaasina ma xalaaloobayo ilaa ay dhammaadaan cabaadooyinka xajka oo dhammi.
- Xajka Tamattuc = waa in qofka xajayaa uu marka hore cumraysto oo uu ka xalaaloobo cumrada, dabadeedna uu xajka xirto siddeeda bisha Dul-Xija.
Qofka aan soo kaxaysanin xoolo (Hadyi), waa inuu gutto xajka loo yaqaan ”Tamattuc”. Maddaama dadka casrigan jooga badankoodu aanay soo kaxaynin ”Hadyi” wuxuu xajkoodu noqonayaa ”xajka tamattuca” oo ah marka hore cumro marka dambena xaj xalaalow u dhexeeyo. Bal haddaba u fiirso:
Cumrada
Marka aad u baxdo dhinaca xajka waa:
- inaad Maydhato, sida jinaabada ama xaydka looga maydho oo kale
- Inaad lebisato maryaha xajka
- Inta aanad gelin xaramka waa inaad xidhato xajka adiga oo dhahaya: ”Labbayka Allahumma bi cumratah”
- Dabadeed waxaad bilaabaysaa dikriga Alle.
- Marka aad timaaddo Mackka ee aad masaajidka soo gasho waa inaad dhahdo: Allahumma Salli calaa Muxammedin wa sallim, allahumma iftax lii abwaaba raxmatika”, dabadeed waa inaad masaajidka ”Dawaafto” todoba jeer oo saddexda hore degdeg tahay. Salaamidda xajar al-aswad-na way ku jirtaa. Dabadeedna aad laba rakcadood tukato. Maqaam al-ibraahiim ayaa fadli badan in lagu tukado hadday suuragasho.
- Marka aad tukato labadaas rakcadood, waxaad u baxaysaa dhinaca buuraha “Safa iyo Marwa”. Buurta Safa ayaad koraysaa, dhinaca kacbada ayaad u jeesanaysa waxaana ku ducaysanaysaa wixii aad rabto.
Dabadeed waad soo daadegaysaa, waad ordaysaa ilaa aad ka korto buurta “Marwa” waxaad yeelaysaa sidii aad yeeshay markaad fuushanayd buurta “Safa”. Taasi waa hal sacyi. sidaas ayaad u ordaysa labada buurood ee “Safa iyo Marwa” dhexdooda todoba jeer. Waxaad ku bilaabaysaa buurta Safa, waxaanad ku dhammaynaysaa buurta Marwa.
- Marka aad dhammaysato orodka “Safa iyo Marwa”, way kuu dhammaatay cumradii, timaha ayaad wax iska jaraysaa waanad xalaaloobaysaa, maryo caadiyana waad xidhanaysaa.
Xajka
- Subaxda 8da bisha Dul-Xija waa inaad xidhato xajka adoo jooga meesha aad degentahay:
- Waa inaad maydhato haddii ay kuu suuragal tahay
- Waa inaad xidhato maryaha xashka
- Waa inaad dhahdo: “Labbayka allahuma Bi xaj”, dabadeed waxaad bilaabaysaa dikriga xajka ee loo yaqaan “Telbiyadda”.
(Waxaa jira digri iyo ducooyin kale oo la akhriyi karo).
- U bixidda Mina iyo ku baryiddeeda
Isla markaas waxaad u baxaysaa dhinaca “MINA” oo aad ku tukanayso; Duhurka, casarka, Maqribkam, Cishaa’iga iyo Subaxa dambe. Salaaduhu waa “QASRI” mid walbana wakhtigeeda ayaa la tukanayaa.
- U bixidda CARRAFA
- Subaxda 9ka bisha DULXIJJA, marka ay cedceeddu soo baxdo ayaa loo kacayaa dhinaca CARAFA iyada oo Alle la xusayo. Halkaas ayaa la joogayaa maalinkaas ilaa qorraxdu dhacdo. Salaadda DUHUR iyo CASAR waxaa la tukanayaa isku mar oo wakhtiga duhurka ah, waana la qasrinayaa. Waa in la badiyo maalinkaas Dikriga Alle iyo ducada.
- Marka ay qorraxdu dhacdo ayaa CARRAFA laga dhaqaaqayaa iyadoo la aadayo dhinaca “MUSDALIFA”. Marka la gaadho Musdalifa ayaa la tukanayaa salaadda Maqrib iyo salaadda Cishaa’i oo la soo gaabiyey. Halkaas ayaana lagu baryayaa habeenkaas, salaadda Subaxna lagu tukanayaa.
- Marka ay soo dhawday soo bixidda qorraxdu ayaa laga baxayaa Musdalifa. Waxaa loo baxayaa dhinaca Mina. Marka aad gaadho Mina waxaad samaynaysaa arrimahan:
- Waxaad ku tuuraysaa buurta “JAMRATUL-CAQABAH” todoba dhagax oo yaryar. Marka aad mid tuurtaba waxaad dhahaysaa “Allahu akhbar”.
- Waxaad gawracaysaa xoolaha “Hadyiga” ah, waana laguu gawrici karaa.
- Dabadeed waxaad iska xiiraysaa ama aad iska gaabinaysaa timaha. Dumarku way gaabinayaan
Marka aad sidaas yeesho, waad xalaalowday qayb ahaan. Wax kasta oo kaa xidhnaa way kuu furmayaan, (galmada mooyaane).
- Dabadeed waxaad aadaysaa isla maalintaas dhinaca Macka. Waxaanad samaynaysaa arrimahan soo socda:
- Waxaad ku dawaafaysaa masaajidka todoba jeer (dawaaf al-ifaada)
- Waxaad ordaysaa “SAFA iyo MARWA” dhexdooda todoba jeer.
Marka aad sidaas yeesho waad xalaalowday gebi ahaanba. Waxaa kuu furmaya wax kasta oo kaa xidhnaa (xiitaa galmadii).
- Markaad dhammayso Dawaafka kacbada iyo orodka Safad & Marwa, Waxaad u noqonaysaa dhinaca Mina. Waxaad halkaas u hoyanaysaa 11ka, 12ka iyo 13 bisha Dul-xijja. Haddii aad degdegsantahay waxaa kugu filan habeenka 11ka iyo 12ka.
- Maalinta 11ka bisha, duhurka dabadii waxaad soo tuuraysaa saddexda buurood adigoo ka soo bilaabaya tan ugu fog. Mid walba waxaad ku tuuraysaa todoba dhagax oo yaryar. Markaad dhagax tuurtaba waxaad dhahaysaa “Allahu Akbar”. Buurta shishe iyo ta dhexe marka aad ku tuurto, waxaad u jeesanaysaa qiblada, waanad ducaysanaysaa. Sidaas ayaad yeelaysaa labada maalmood ee kalena.
- Haddii aad degdegsantahay waad iska dhaafi kartaa tuuryada “maalinta saddexdaad” balse waxaa fiican inaad negaato oo aad samayso tuuryadaas.
- Inta aanad ka soo dhoofin, waa inaad soo dawaafto xaramka todoba jeer (Dawaaf al-widaac). Haweenka xaydka ama nifaaska qaba waa laga dhaafay dawaafkan dambe oo lagama rabo.
WD: Ibraahim Warsame Xuseen