Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Xirsi Gaani oo maanta ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa ka warbibixay qorshaha Xukuumadda ee dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta iyo kaalinta ay ka qaadan karaan shacabka Soomaaliyeed.
Wasiiru Dowlaha ayaa boogaadiyay guulaha ciidamada qaranka ay todobaadyadaan ka soo hooyeen dagaalada ka dhanka ah khawaarijta,isagoo sheegay in ay socdaan howlgallo la doonayo in lagu qaado maleeshiyaadka khawaarijta ee diidan nabad lagu soo dabballo dalka.
“Si dadka Soomaaliyeed loogu celiyo deegaanada ama goobinii ay ka soo barakaceen waa in dowladda garab lagu siiyo dagaalka ay kula jirto khawaarijta” ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.