Wasiiru Dowlaha Wasraadda Caafimaadka HE.Dr Maryamo Maxamud Xuseen ayaa kormeer ku tagtay Isbitaalka Hooyadda iyo Dhallaanka ee Banaadir.
Wasiirka waxaa ku soo dhaweeyay Isbitaalka Dr Fartuun Shariif Maxamed oo ah Agaasimaha Guud ee Isbitaalka,waxana ujeedka kormeer uu ahaa u kuur galida howlaha shaqo ee ka socoda qeybaha kala duwan ee isbitaalka Hooyadda iyo Dhallaanka Banaadir
Agaasimaha Isbitaalka Banaadir Dr Fartuun Shariif Maxamed oo ka warbixisay bixisay hanaanka uu u shaqeeyo Isbitaalka iyo sida ay hadda ay u socoto shaqada, waxa ayna si faahfaahsan u sharaxday baahiyaha hada ka jira Isbitaalka iyo caqabadaha ku horgudboon ee u baahan in laga gaaro xal maadaama Isbitaalku ka mid yahay Xarumaha Caafimaad ee Muwaadiniinta Soomaaliyeed sida bilaashka ah loogu daweeyo ee ay gacanta ku heyso
Ugu dambayntii Wasiiru Dowllaha ayaa uga mahad celiyay Madaxda Isbitaalak iyo Dhammaan shaqaalaha Isbitaalka sida wanaagsan ay ugu adeegaan Bulshadda iyo dhabar adeega ay u muujiyeen xaaladaha adage ee isbitaalka soo maray iyo kuwa hada taagan.