Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde International Airport, Wasiirka Gaashaandhigga Boqortooyada Sweden, Mudane Pål Jonson iyo wafdi uu hoggaaminayo, kuwaas oo booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho.
Inta uu ku sugan yahay Muqdisho, Wasiirka Gaashaandhigga Sweden waxa uu kulamo la yeelan doonaa madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu ka mid yahay Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, si ay uga wada hadlaan xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinaca difaaca iyo amniga.