Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekedaha iyo Badda ee XJFS oo soo dhoweyn u sameeyay Wafdi ka socday Dowladda Turkiga

Muqdisho(Wargeyska Dalka):Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Dhucle, ayaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Jamhuuriyadda Turkiga, oo ah Dal walaal ah, Mudane Durmuş Ünüvar.

Wasiiru Dowlaha ayaa uga Mahadceliyay Wasiirka booqashadiisa uu ku yimid Dalka, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta Xiriirka Iskaashi ee u dhexeeya labada Dal, gaar ahaan dhinacyada Horumarinta Kaabayaasha Dekadaha iyo tayeynta adeegyada Istiraatiijiga ah ee Gaadiidka Badda.

Inta uu Wafdigu ku sugan yahay Magaalada Muqdisho, waxay kulamo rasmi ah la yeelan doonaan Madaxda ugu sareysa Dalka.