Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Wafdi ka socda UNTMIS

Wasiir-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar Cali Balcad, ayaa maanta qaabilay wefdi ka socday Hawlgalka Kala-guurka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS), oo uu hoggaaminayay Kusimaha Madaxa Hawlgalka, Mudane Raisedon Zenenga.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray geeddi-socodka kala-guurka ee UNTMIS iyo xaaladaha guud ee ka socta Gudaha Dalka Soomaaliya.

Wasiir-Dowlaha ayaa carabka ku adkeeyyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay hirgelinta kala-guurka ay Soomaalidu hoggaaminayso, kaas oo xoojinaya hay’adaha qaranka isla markaana taageeraya nabadda, dib u dhiska dowladnimada, iyo horumarinta awoodda dowladda.

Labada dhinac ayaa sidoo kale isla gartay muhiimadda ay leedahay sii wadidda iskaashiga dhow ee lagu taageerayo mudnaanta qaranka Soomaaliya iyo himilooyinka horumarineed ee dalka.