Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo kulan la yeeshay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Turkiga

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Musa Kulaklıkaya, ayaa kulan la yeeshay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Cali Cumar.

 

Sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay xiriirka labada Dal iyo sidii loo xoojin lahaa Iskaashigooda.

 

Waxay sidoo kale ka wada hadleen labada Mas’uul xaaladda Gobolka iyo isbeddellada Siyaasadeed ee ka taagan Geeska Afrika.