Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo soo dhaweeyay Wafdiga ka socday Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika

Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Xubno ka tirsan Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika (East African Legislative Assembly EALA).

Wafdiga ayaa ka koobnaa mudanayaal Baarlamaan oo ka socday Dowladaha Rwanda, Uganda, Kenya, Burundi, Koonfur Suudaan, iyo Soomaaliya, waxaana Kulanka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) Mudane Maxamed Faatir.

Xildhibaannada booqashada ku yimid Soomaaliya ayaa muujiyay aragti wanaagsan oo ay si toos ah uga qaateen Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya, iyagoo sidoo kale bogaadiyay horumarka muuqda ee ka socda Magaalada Muqdisho.

Wasiiru-Dowlaha oo ay Kulanka ku wehlinayeen Agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda, ayaa Wafdiga u soo bandhigay mudnaanta Istaraatiijiyadeed ee Soomaaliya ee la xiriirta Ganacsiga Gobolka ee Bulshada Bariga Afrika (EAC), isaga oo ugu baaqay Xildhibaannada inay taageeraan dadaalladaas marka ay ka doodayaan Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika (EALA).