Wasiiru-dwlaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Cabdirashiid Jire Qalinle, ayaa Booqday xarunta dhexe ee hay’adda maareynta musiiboyinka Qaranka ee SoDMA.
Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka ee SoDMA Mudane, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa xaruntaan ku soo dhaweeyey Wasiiru Dowlaha Wasaaradda qorsheynta Qaranka.
Guddoomiyaha iyo Wasiirka ayaa ka wada hadlay sidii ay Wasaaradda qorsheynta iyo hay’adda SoDMA wada shaqeyn dhow u yeelan lahaayeen, kaasi oo la isku afgartay.