Wasiiru-dowlaha Isgaarsiinta XFS oo ka qeybgalay shirweynaha Taleefannada gacanta

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Xildhibaan, Axmed Cismaan Diiriye ayaa ka qeybgalay Shirweynaha Caalamiga ah ee taleefannada gacanta (Mobile World Congress) oo soo agaasimay Ururka Isgaarsiinta Moobeellada Adduunka ee GSMA, waxaana lagu qabtay  magaalada Barcelona ee dalka Spain.

Intii uu socday Shirweynaha, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa kulamo doceedyo layeeshay qaar ka mid ah Madaxda Hey’adaha Caalamiga ah iyo hogaamiyeyaasha shirkadaha waawayn ee Tiknolojiyada ku hawlan, waxa uuna la wadaagay Dadaalada ay Dowladda Soomaaliya wado ee ku aadan horumarinta kaabayaasha  dhijitaalka, Amniga Internetka iyo hormarinta xirfadaha digitalka .

Wasiiru-dowlaha ayaa la kulmay Madaxda World Bank oo kala ahaa Mr. Guang Chen, Madaxweyne Ku Xigeenka Kaabayaasha iyo Isabel Neto, Madaxa Dhijitalka, waxaanay ka wada hadleen tageerada Bangiga Aduunku uu siiyo wadamada Bariga Afrika ee dhanka hormarinta Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada. Wasiiru-dowlaha ayaa ugu mahadceliyey taageerada iyo dadaalka ay ku bixinayaan Casriyeenta Isgaaraiinta iyo Dhijitaalka Dalkeena.

Shirweynahan waa Madal sanadle ah oo ay isugu yimaadaan khubarada isgaarsiinta iyo teknolojiyada, waxaana diiradda lagu saaraa mustaqbalka isgaarsiinta dunida oo xiliigaan isbadalo waaweyn sameeneyso.