Wasiiru dowlaha Is-gaarsiinta XFS oo Paris kaga qeybgalay shir looga hadlaya Dhijitaalka

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Cismaan Diiriye,ayaa Magaalada Paris ee Caasimada Waddanka France ugu qeybgalaya Shir looga hadlayo Arrimaha Dhijitaalka oo lagu qabtay Xarunta Dhexe ee Hey’adda UNESCO.

Munaasabaddan muhiimka ah waxay isu keentay hoggaamiyeyaasha dhijitaalka, kuwa sameeya siyaasadaha, cilmi-baarayaasha, iyo khubaro ka kala yimi daafaha dunida, oo ay ku jiraan wakiillo ka socda hay’adaha Qaramada Midoobay, dowladaha, hay’adaha aan dowliga ahayn, iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay.

Axmed Cismaan Diiriye ,Wasiiru-dowlaha isgaarsiinta ayaa Intii uu shirku socday, waxa uu la kulmay mas’uuliyiin kala duwan waxa uuna kala hadlay saameynta Garaadka Macmalka ah (Artificial Intelligence) uu ku leeyahay nolosha aadmaha ee xiligan iyo sidii si hufan looga faa’iidaysan lahaa.

Shirkaan, ayaa ka mid ah Shirrarka muhiimka ah ee lagu soo bandhigo Hormarka Dhijitaalka iyo Garaadka macmalka ah, waxaana Dowladda Soomaaliya ay wadaa Shuruucdii lagu hagi lahaa maadaama Teknolojiyada qaar ay dunida ku cusubyihiin.