Wasiiru dowlaha Caddaaladda :Deegaanadii laga saaray Khawaarijta waxaan ka hirgalinay adeegga garsoorka”

Ku simaha Wasiirka Ahna Wasiiru Dowlada Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Muumino Sheekh Cumar,oo ka qeyb galeysay Bandhigga waxaqabadka xukuumadda Dan-qaran ayaa sheegtay in degaannada laga xoreeyay khawaarijta la gaarsiiya hay’adahii garsoorka dalka.

“Deegaanadii laga saaray Khawaarijta waxaan ka hirgalinay adeegga garsoorka” Avv Muumino Sheikh Wasiir dowlada Caddaaladda iyo Dastuurka XFS.

Muumino Sheikh wasiiru dowlaha Caddaaladda iyo Dastuurka ayaa hadalkeeda ku dartay in wasaaradu ay ku guuleysatay hagaajinta laamaha caddaaladda dalka,sidoo kale ay dib u heshiisiin ay ka sameyeen degaan dhowr oo laga saaray khawaarijta.

Waxaa kaloo sheegtay in ay guul ka gaareen afar qodob oo kala ah hannaanka wada xaajoodka,garsoorka hannaanka qaab dhismeedka amniga Qaranka iyo nidaamka doorashooyinka xisbiyada iyo kuwa kale.