Wasiiru dowlaha Caafimaadka XFS oo furtay olole Caafimaad oo fulinayaan Dhakhaatiir Masaari ah

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada XFS oo daahfurtay olole caafimaad oo ay Isbitaalka Martiini ka fulin doonaan dhaqaatiir u dhashay dalka Masar.

Ku simaha wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada XFS ahna Wasiiru dowlaha Wasaaradda Dr Maryan Maxamed Xuseen ayaa maanta Isbitaalka Danta guud ee Demartino ka daahfurtay olole caafimaad oo lacag la’aana oo isugu jira daawayn iyo qaliimo kala duwan oo ay fulinayaan Khubaro iyo dhaqaatiir u dhashay dalka Masar oo kaashanaya dhaqaatiir Soomaaliyeed.

Daaweynta iyo qaliimada ay sameyn doonaan dhaqaatiirta oo socon doona ilaa iyo 30 bishan September ayaa isugu jira Qaliimada guud ,kuwa lafaha ,dhalmada iyo cudurada haweynka iyo caruurta, qaliimada burooyinka Cudurada guud, iyo daaweynta iyo qaliimada Wadnaha

Agaasimaha guud ee isbitaal Demartino Dr Cabdirisaaq Yuusuf Axmed Jalaaludiin, ayaa sheegay in Ololahan caafimaad ay ugu talogaleyn ineey ka faaiideystaan in kabadan Todobo boqol oo qof kuwaa oo loo shaqeyn doono afar iyo Labaatanka saac.