Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha Hirshabeelle oo dhagax dhigay dhismaha xarunta deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha dowlada goboleedka  Hirshabeelle Maxamuud Ahmed Gacal ayaa Maanta dhagax dhigay dhismaha xarunta deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe halkaa oo dhawaan laga xorreeyay khawaarijta Al-shabaab

Dhismahan xaruntani ayaa qeyb ka aha soo celinta adegyada bulsho ee degaanka Ceelbaraf iyo degaannada kale ee khawaarijta laga xorreeyay oo ay bur buriyeen gobihii bulshada loogu adeegayay, ee degaanakasi,dowladda soomaaliya iyo Maamulka Hirshabeelle ayaa horay u sheegay in degaannada cadawga laga xorreeyay la geyn doonno adeegyadii bulsho lana dhisi doono xarumihii danta guud oo ay khawaarijtu ku bur burisay degaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wasiir dowlaha arrimaha gudaha Hirshabeelle maxamuud Ahmed Gacal ayaa sheegay in dhismaha xarunta ay kamid tahay daadajinta adeegyada bulsho sidii loo gaarsiin lahaa tuulooyinka si bulshadu u helaan adeegyadii ay dowladda uga baahnayeen,wana qeyb kamid qorshaha dowladda  iyo Maamulka Hirshabeelle ay dib ugu soo celinayaan adeegyadii bulsho degaannada laga saaray khawaarijta.

Degaanka ceelbaraf ayaa kamid goobihii dhawaan laga saaray khawaarijta halkaa oo ay mudda ku dhibatayn jireen dadka Shacabka ah