Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibedda oo beeniyay wada-hadal u dhexeeya Mareykanka iyo Khawaarijta

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Balcad), ayaa si cad u beeniyay jiritaanka wax wada-hadal ah oo u dhexeeya Dowladda Mareykanka iyo kooxda Khawaarijta Al-Shabaab, isaga oo sheegay in mowqifka Mareykanka uusan isbeddelin.

Mudane Cali Maxamed Cumar oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Al-Carabi Al-Jadiid,xilli uu ku sugnaa caasimadda Qatar ee Doha ayaa yiri, “Wararkaasi gabi ahaanba waa been, si buuxda ayaan u diidnay.”.

Wasiir ku-xigeenka, ayaa intaasi ku daray in Mareykanku weli u arko Al-Shabaab inay yihiin urur argagixiso ah, islamarkaana aysan jirin wax isbeddel ah oo ku yimid siyaasadooda ku aaddan arrintaas.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay khilaafkii u dhexeeyay Muqdisho iyo Addis Ababa ee ka dhashay heshiiskii Itoobiya la gashay maamulka Soomaaliland.

Wuxuu sheegay in khilaafkaasi lagu xaliyay dhex-dhexaadin ay sameeyeen Turkiga, taas oo keentay in Itoobiya aqbasho madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, ayna labada dal ku heshiiyeen iskaashi darisnimo oo ka tirsan Midowga Afrika.

sidoo kale, Wasiir Balcad, ayaa hosts ka  xariiqay in heshiiskaasi oggolaanayo Itoobiya in ay dekedaha Soomaaliya u adeegsato ujeeddo ganacsi, iyadoo la raacayo xeerarka caalamiga ah. Wuxuu sidoo kale cadeeyay in safarkiisa Qatar uu qayb ka yahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal, ayna booqashadu aanay wax xiriir ah la lahayn socdaalkii uu bisha hore halkaas ku tagay Madaxweynaha Soomaaliland.

Marka laga hadlayo suurtagalnimada in Qatar dhex-dhexaadin ka gasho arrimaha Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland, Wasiirka ayaa xusay in Soomaaliland tahay mid ka mid ah maamul-goboleedyada dalka, ayna dowladdu door-bidayso in arrimaheeda gudaha ay iyadu xalliso, hase yeeshee ay soo dhoweynayaan cid kasta oo kaalin wanaag leh ka qaadan karta.

Dhanka doorashooyinka, Wasiirka ayaa xaqiijiyay in doorashada dalka lagu qaban doono waqtigeeda sannadka soo socda, islamarkaana aysan jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeya Madaxweynaha iyo mucaaradka, balse uu jiro dood ku saabsan habka doorashada, taas oo la doonayo in loo wareejiyo hannaan toos ah oo ay dadku si toos ah ugu codeeyaan Madaxweynaha.

Wasiir Cali Maxamed Cumar ayaa sidoo kale sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay taageero u muujiyeen sharciga cusub ee doorashada, hase yeeshee ay jiraan qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka oo ka cabsanaya inay lumiyaan mudnaantooda, isagoo hoosta ka xariiqay in wadahadalladu ay socdaan si loo gaaro is-afgarad qaran.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa sheegay in baarlamaanka uu meel mariyay afar cutub oo ka mid ah 15-ka cutub ee Dastuurka, islamarkaana uu socdo qorshe dhammeystiran oo lagu dhameynayo Dastuurka dalka dhammaadka sanadkan. Waxa uu xusay in Soomaaliya weli ku jirto marxalad ay ka kabaneyso xagga siyaasadda iyo dhismaha hay’adaha dowladeed.

Dhanka amniga, Wasiirka ayaa carabka ku dhuftay in kooxda Al-Shabaab ay sii liicayaan, ayna dowladda federaalka ah guulo la taaban karo ka gaartay deegaanno badan, isaga oo ugu dambeyn ugu baaqay beesha caalamka in ay sii kordhiso taageerada ay siiso Soomaaliya.